Xisbiga Waddani oo Xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in ay xireyso dadka ka aragtida duwan

Published: November 16, 2022

Xoghayaha dhanka Warfaafinta ee Xisbiga Waddani Khaddar Xuseen Cabdi oo la hadlay Warbaahinta ayaa Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay in ay xirxireyso Dadka ka aragtida duwan.

Xoghaye Khadar ayaa sheegay in Ciidamada Booliiska ay xabsiyada dhigeen Dad diidan in muddo xileed sharci darro ah uu qaato Muuse Biixi, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sido kale Xoghayaha ayaa tilmaamay in dhabbaha ay Xukuumadda qabatay aanay u wanaagsaneen Somaliland oo haatan ay ka jiraan xasilooni, nabadgalyo iyo kala dambeyn ka dhalatay nidaamka ay ku heshiiyeen.

Xoghayaha Xisbiga Mucaaradka Waddani ayaa saraakiisha Ciidanka hoggaamineysa gaar ahaan Booliiska uga digay in ay dhibaateeyaan Dadka Shacabka iyada oo muran weliba ama kala aragti duwanaan kasta lagu xalin karo in la raaco dhabbaha Dastuurka.

Horseed Media