Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo mudaaharaad ku baaqey khamiista.

Published: August 10, 2022
Shares4
Ucid iyo waddani

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID ayaa taageerayaashooda ugu baaqey in maalinta berri ah ee khamiista ay isugu soo baxaan mudaaharaad nabadeed oo lagu dalabanayo in doorashada xiligeedi lagu qabto loogana soo horjeedo keli talisnimo iyo cabbudhin.

Labadii maalmood ee u danbesysey waxaa wada hadal u socdey Xisbiyada mucaaradka iyo Xukuumadda Somaliland kuwaas oo kawada hadlaayey meelaha mudaahraadku ka dhacayo, xiliga la qabanaayo iyo nabad-gelyada.

Ugu danbeyn Xukuumadda iyo Xisbiyada mucaaradka ayaa ku heshiiyey in maalinta khamiista ah la qabto mudaaharaadkii lagu muran sanaa bilihii u danbeeyey, kaas oo loogu magacdaray badbaadada Somaliland.

Xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo UCID ayaa doonaayey in ay mudaahaarka ku qabsadaan fagaaraha Kheyridda Hargeysa, taas oo xukuumaddu diidey, waxaana ay soo jeediyeen in lagu qabto xarumaha Xisbiyada.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ooa khriyey warsaxaafadeedka labada Xisbi ayaa sheegay in la isugu imaanayo xarunta Waddani ee gobolka Maroodi-jeex ee ka soo horjeedka dugsiga Faarax Oomaar, sidoo kale waxaa mudaaharadka lagu qaban xarunta guud ee Xisbiga UCID ee shacabka.

“Waxaan muwaadin kasta ka codsanayaa, ee diidan keli-talisnimo, ee doonaya doorasho in uu soo baxo beri, hubka ugu weyn ee aan wadanaa waa siiriga, waxaan ku afuufeynaa doorasho-diide, waxaan ku afuufaynaa keligii taliye”.

Cabdiraxmaan Cirro

Guddoomiyaha Waddani ayaa ka digey in kooxo qaswadayaal ah xukuumaddu ay kusoo dhexdari doonto mudaaharaadka si ay ugu beddalaan mid rabshado ah, waxaana uu ku baaqey in loo feejignaado loona gudbiyo laamaha amniga.

Doorashada Madaxweynaha Somaliland ayaa ku beegan bisha Nofeembar ee sanadkan 2022, laakiin Muuse Biixi ayaa la yimid tab kale oo uu muddo kororsi ku helaayo, kadib markii uu furey tartanka Xisbiyada oo 10 sanoba hal mar la furo si loo helo saddex Xisbi Qaran oo cusub, taas oo khatar ku keeni karta doorashada.

Xisbiyada mucaaradka ayaa doonaya in ay caalamka tusaan in dimoqraadiyadii Somaliland god ku dhacdey oo aysan jirin wax lagu taageero nidaamka Muuse Biixi.

Keyse Adam – Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *