Xisbullah & Israel oo gantaalo is-weydaarsaday xaduuda Lubnaan

Published: November 18, 2023

Xisbullah ayaa ugu yaraan 20 gantaal ku tuurtey deegaanada Galilee ee dhulka Israel heysato ee saaran xaduuda Lubnaan.

Duqeyntan ayaa timid kadib markii Israel ay madaafiic iyo gantaalo ku duqeysay koonfurta Lubnaan, isla markaana burburisay warshad soo-saarta aluminium.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka socda Gaza, waxaa socday duqeynta ay is-weydaarsanayaan Xisbullah iyo Israel.

Israel ayaa dar-dargelisay weerarada ay la beegsaneyso koonfurta Lubnaan iyo dhulka Daanta Galbeed ee Falastiin.

Waxaana la rumeysan yahay in Israel ay qorsheenayso inay duulaano dhulkaasi ku qaado marka ay soo afjarto dagaalka Gaza.

Horseed Media