XOG: Xasan Shiikh, Shirkada ENI & Kenya oo kuwada jiray heshiiska biyaha Soomaaliya

Published: February 4, 2017

Biyaha Soomaaliya oo ay Kenya sheeganeyso ayaa waxaa qandaraas loo siiyey baaritaanka batroolka shirkada ENI oo laga leeyahay Talyaaniga, shirkadaasi ayaa sidoo kale gorgortan hoose u socday Xafiiska Xasan Shiikh iyo shirkaduu dhishay ee SOMA OIL & GAS.

Xili todobaadkan ay Maxkamada ICJ ee Caalamiga ku dhawaaqday inay guda galeyso dacwada badda ee Soomaaliya iyo kenya ayaa waxaa soo baxaya xoga dheeraad ah oo qarsoonaa oo ku aadan kaalinta iyo xiriirka uu lalahaa Madaxweyne Xassan Shiikh shirkadaha damacsan inay shidaalka ka baaraan biyaha Kenya sheeganeyso ee ka tirsan badda Soomaaliya.

Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa habeen hore filim uu soo saaray kadib go`aankii Maxkamada ICJ si kulul uga hadlay Dacwada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya,isagoo arrintan ku eedeeyey Madaxdii hore ee Dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo hada qaarkood kula tartamaya xilka Madaxweynaha Sida Madaxweynihii hore Shiikh Shariif, Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid iyo Cabdishakuur oo ahaa Wasiirkii saxiixay heshiiskii MOU 2009.

Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday ee Xassan Shiikh ayaa ku dooday in heshiiskii MOU 2009 ee dowladii KMG saxiixday uu khalad ahaa, hadalkaasi oo ah mid ka horimaanaya Doodii Qareenada Soomaaliya la hortageen Maxkamada Caalamiga ah.

Heshiiska is-afgaradka ahaa ee MOU 2009 ee lagu eedeeyo Hogaamiyayaashii Dowladii Kumeel Gaarka sida ay Maxkamada ICJ ku cadeysay xukunkeedii Khamiistii maaha mid la xariira soohdinta la isku heysto ee wuxuu ahaa qoraal is afgarad ah oo ay labada dal Soomaaliya iyo Kenya ay ku doonayeen inay codsiyadooda la xariira “Qalfoofka Qaarada” u gudbiyaan UN-ka, balse Kenya si khaldan u fasiratay MOU oo ay ka dhigatay qoraal diidaya in labada dal ay dacwado iska geeyaan Maxkamada, fasiraada Qaareenada Soomaaliya ayey Maxkamada Caalamiga ah ku raacday sababtayna in la laalo doodii Kenya ee kiiska badda.

Kenya tan iyo intii ay xoriyada qaadatay 1963 waxay sheeganeysay qeybo kamid ah Biyaha wadamada ay jaarka la tahay sida Tanzania iyo Soomaaliya, waxayna arrintan la xariirta qaabka loo xariiqayo Soohdinta inay u weecaneyso bariga ama koonfurta taasi oo ah mida ay salka ku heyso dacwadihii hore ee dhexmaray Tanzania iyo Kenya iyo waliba Soomaaliya. Kenya sanadkii 1979 ayaa ugu horeysay markii ay sheegatay Soohdinta hada la isku heysto, balse maaha mid caalamka aqoonsan yahay maadaama aysan ku heshiin dalalka jaarka ah.

Marka laga yimaado arrinta MOU oo kusoo beegantay xili dalalka caalamka ay orod ugu jireen inay sheegtaan biyaha dheeraadka ah ee Qalfoofka Qaarada uga maqan, balse waa mid caadi ah in arrin xasaasi ah ay siyaasiyiinta uga faa`iideystaan xiliyada ololaha Doorashada, waxaase la yaab ah in fasiraada Madaxweyne Xassan ka bixinayo MOU uu ka horimaanayo doodii Qareenada Soomaalida ee Maxkamada ICJ, isla markaana lamid tahay dooda Kenya oo ah inuu heshiis horey u dhacay, hadalkan Xasan ayaa u muuqda mid si dadban gar aysan lahayn usiinayo dowlada Kenya si uu u cambaareeyo Siyaasiyiinta tartanka Doorashada kula jirta!

Waxayse isweydiintu tahay Xasan Shiikh laftiisa ma ka maran yahay arrinta bada iyo Shirkadaha lugta kuleh? Jawaabtu waa MAYA.

Xassan iyo Shirkada ENI

Shirkada ENI ayaa kamid ah shirkadaha shisheeye ee damacsan inay batrool ka baaraan biyaha Soohdinta Soomaaliya iyo Kenya ayey dowlada Kenya sanadkii 2012 u saxiixday 3 blocks ka tirsan badda Soomaaliya.

Shirkada SOMA OIL & GAS oo uu dhisay Madaxweyne Xassan Shiikh isla markaana lagu eedeeyey musuq maasuqa ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay gorgortan qarsoodi ah kula jirtay shirkada ENI ee laga leeyahay dalka Talyaaniga.

Shirkada ENI ayaa kamid ah shirkadaha Caalamiga ah oo ay dowlada Kenya u saxiixday qeyb kamid ah biyaha badda Soomaaliya, shirkadan ayaa sidoo kale xiriir dhaw laleh xafiiska Madaxweyne Xassan Shiikh.

Shirkada ENI waa shirkada kaliya ee caalamiga ah ee usoo bareertay inay dowlada Kenya heshiis kula gasho baaritaanka batroolka ku jira Badda Soomaaliya

Waxaase nasiib wanaag ah inuu burburay Heshiiskii Qarsoodiga ah ee shirkada Xassan Shiikh wax ka dhisay ee SOMA OIL & Gas iyo ENI kadib markii shirkada SOMA OIL & Gas ay ku bilaabatay baaritaanka la xariiray musuq maasuqa. Shirkada SOMA OIL & Gas ayaa tan iyo markii lagu bilaabay baaritaanka dhumisay lacago badan.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaan filimkiisii ugu danbeeyey ee uu soo saaray ka illaaway inuu shacabka Soomaaliyeed u sheego gorgortanka qarsoodiga ah ee xafiiskiisa iyo SOMA OIL kula jireen shirkada Talyaaniga ee ENI oo saxiixa ka heysata dowlada Kenya, taasi oo la oron karo waxayba ka culus tahay heshiiska MOU 2009 oo ay hada Maxkamada Caalamiga ah sheegtay inuusan la xariirin Soohdinta Soomaaliya iyo Kenya ku murransan yihiin.

Akhriso Maqaal Jariirada Telegraph ee dalka UK ka qortay Heshiiskii Qarsoodiga ah ee u socday SOMA OIL iyo Shirkada ENI oo burbur kusoo dhamaaday bishii December ee sanadkii tagay.

Waxay su`aashu tahay hadii Xassan Shiikh aaminsan yahay in Kenya si khalad ah u sheeganeyso biyaha Soomaaliya sababta Xafiiskiisa iyo Shirkada uu dhisay ee SOMA OIL ay gorgortan maalgelin kula jirtay shirkada ENI oo ah shirkada saxiixa ka heysata Kenya ee dooneysa inay bada baarto, weliba gorgortankaasi oo bilowday sanadkii hore 2016 labo sano kadib markii Soomaaliya dacwada geysay Maxkamada Caalamiga ah?

Waxaana xusid muddan Shirkada ENI waa shirkada kaliya ee caalamiga ah ee usoo bareertay inay dowlada Kenya heshiis kula gasho baaritaanka batroolka ku jira Badda Soomaaliya, shirkada ENI iyadaa heshiiska uga baxday SOMA OIL & Gas si aysan saameyn ugu yeelan baaritaanka musuq maasuqa ee lagu bilaabay shirkada uu dhisay Xassan Shiikh sanadkii lasoo dhaafay.

Axmed Musse
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *