Xog: Xildhibaano Puntland oo tegey maxkamadda Garoowe oo ciidan lagu dalbadey!

Published: July 24, 2022
Shares480
Xildhibaanad maryam Cismaan golaha waskiilada Puntland
Xildhibaanad Maryam Cismaan Axmed

Kalfadhigii Golaha Wakiilada Puntland ee maanta oo Axad ah ayaa looga hadley arrimo ka soo noqdey Garsoorka Puntland, kadib markii Xildhibaanad Maryam Cismaan Axmed ay fadhiga ka sheegtey in maxkamaddii sare ee ay xasaanadda u diideen ay shaqeyneyso, xukuno xabsi ahna ay rideyso.

Xildhibaanad Maryam Cismaan Axmed ayaa sheegtey in mid kamid ah garsoorayaashii xasaanadda loo diidey uu xirey Caaqilkeygi kuna xirey denbi la’aan aan ka ahayn awood sheegasho..

Sida uu golaha wakiilada ka sheegay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Saalax ( Abuu baraa), caaqilka la xirey oo u dhashey beesha Amaanle waxaa lagu magacaabaa Caaqiil Maxamuud Cabdi Faarax, waxaa lagu xirey in uu ku yiri mid kamid ah garsoorayaashii xasaanadda loo diidey sidee ayaad weli ku shaqeyneysaan idinka oo aan xasaanad haysan, waxaana uu ku jawaabey aniga ayaa ku tusinaaya awooda aan leenahay, waxaana uu Guddoomiyaha derajada kowaad ka dalbadey in waaran xalaaleyn ah odayga loo jaro, taas oo isla shaley xabsiga la dhigay, waxaana damiin lagu soo daayey odayga kadib markii dhiig kar ku kacay, inta keliya ee lagu xirey waa sidee u shaqeyneysaan idinka oo baarlamaanku idiin diidey xasaanadda.

Gaarsooraha sidaas sameeyey ayaa ah Guddoomiye ku-xigeenkii xasaandda loo diidey Nuur Ciise Maxamed sida loo xaiiijiyey Afhayeenka Golaha wakiiladda ee Puntland

an

Xildhibaan Saadaq Abshir Garaad ayaa fadhigii baarlamaanka ka sheegey in sharciyadda ay Golaha wakiiladu gaaraan ay ka shaqeyneyso Madaxtooyada oo ku fadhida madaxweyne kalfadhi kan oo kale ah lagu doortey haddii taasi aysan jirin dalkaan sharci kama jiro, Madaxtooyaduna sharcigii aan ku dooraney waxba kama jirayaan haddii kii aan garsoorka ka gaarney aanu sharci ahayn

Dooda Xildhibaanada ayaa u badneyd in madaxweynaha la soo gole joojiyo oo wax laga weydiiyo arrinta garoosrka, waxaana ugu danbeyn la isku raacay in guddi loo diro Madaxweynaha arrintan kala hadla.

Golaha garsoorka ee maxkamadda sare ayaa baarlamaanku u diidey ansixintii, waxayse ku shaqeynayaan Amar Madaxweyne oo aan la ogeyn qodobka uu u cuskadey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment