Xoghayaha cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xilka la wareegay

Published: July 5, 2022

Xoghayaha joogtada ah ee dhawaan loo magacaabay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay xoghayihii hore Dr. Maxamed Ibraahim Nuur.

Munaasabad oo lagu qabtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha, Agaasimeyaasha, la taliyeyaasha iyo howlwadeennada xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Xoghayaha cusub Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa waxa uu ballan qaaday inuu la imaan doono hufnaan shaqo.

Sidoo kale waxa uu Xoghayaha cusub codsaday in shaqaalaha ay la shaqeeyaan inta uu xafiiska ku cusub yahay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *