Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka oo loo doortay xubin kamid ah Guddiga fulinta Midowga Baarlamannada Carabta

Published: February 25, 2023

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle (Jaabiri) ayaa loo doortay xubin ka mid ah Guddiga fulinta Midowga xog-hayayaasha Baarlamannada Dowladaha xubnaha ka ah Carabta.

Doorashada saddexda xubnood ee Guddiga Fulinta Midowga Xog-hayayaasha Baarlamaannada waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ayaa loo kala doortay saddexda xog-haye ee Soomaaliya, Aljeeriya & Ciraaq.

Kulamo-doceedyada Guddoonka iyo Guddiyada Baarlamaannada Dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ayaa lagu go’aamiyay in guddiga fulinta uu shaqadiisa si rasmi ah ula wareego.

Sidoo kale, Xoghayaha ayaa ka qeyb galay Kulanka 42-aad ee Golaha Xoghayayaasha guud ee Baarlamaannada Carabta, kaas oo maanta ka dhacay magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq.

Horseed Media