Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo booqasho ku tagay Baydhabo

Published: April 11, 2023

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres oo maanta dalka soo gaaray ayaa booqasho ku tagay magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah Koofur Galbeed.

Wafdiga Xoghaya Guud waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhoweeyay ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Shamso Maxamed Yarow, Wasiirka Gargaarka, Wasiirka Dekadaha, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo.

Guterres ayaa Kormeer ku maray qaar kamid xeryaha ay daganyihiin dadka Barakacayaasha ee ay saameysay Abaarta daran ee ku dhifatay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliyeed.

Mr Guterres ayaa booqashadiisa la xiriirtaa Arrimaha bani’aadanimada iyo taageerida howlgalka ay hoggaamineyso dowladda Federaalka ee la dagaalanka Al Shabaab.

Horseed Media