![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/10/kayleig-pix1-articleLarge.jpg)
Xoghayaha dhinaca saxaafadda u qaabilsan aqalka cad ee Maraykanka Kayleigh McEnany ayaa baaritaan kadib laga helay cudurka safmarka ah ee Coronavirus sida ay iyadu sheegtay.
Haweenaydan oo war qoraal kusoo daabacday boggeeda Twitter-ka ayaa shaacisay in laga helay COVID19, hase ahaatee aanu hadda ka muuqan calaamado caafimaad darro oo weyn.
Telefishinka Fox News ayey maanta qorshaynaysay inay u waranto, balse waa la hakiyey kadib markii laga helay xanuunka, iyada noqonaysa sargaalkii sagaalaad ee aqalka cad ee uu haleelo Coronavirus.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/10/warqad.png)
Saraakiishan oo dhamaatood aad uga agdhow madaxweyne Trump oo Sabtidii cisbitaal looga dhigay xanuunka ayaa waxaa kamid ah la-taliyihii hore ee Aqalka Cad Kellyanne Conway, maareeyaha ololaha Trump Bill Stepien, Gudoomiyaha Gudiga Qaranka ee Jamhuuriga Ronna McDaniel, Gudoomiyihii hore ee New Jersey Chris Christie.
Horseed Media