Wasiirka Arimaha Dibadda Ee Britain William Hague Oo Muqdisho Ka Soo Degay(Sawiro)

Published: February 2, 2012

Xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Britain ayaa maanta booqasho aan horay loo shaacin ku tegey magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

William Hague iyo wefdigiisa oo si diiran loo soo dhoweeyey ayaa aqalka madaxtooyada Somalia kulan kula yeeshay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan madaxda dowlada Federaalka ah.

Xoghayaha arimaha dibadda ee Ingiriisku ayaa sidoo kale intii uu Muqdisho ku sugnaa wuxuu la kulmay sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka gaashaan dhigga Xuseen Carab Ciise.

William Hague oo kulankii uu madaxda dowlada KMG ah la qaatay kadib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu magaalada Muqdisho kusoo gaarey.

Wuxuuna intaas ku daray in madaxweynaha ay ka wada hadleen arimo badan oo ay kamid tahay kasoo qaybgalkiisa shirka xal u helidda dhibaatooyinka Soomaaliya looga hadlayo ee 23-da bishan Feb magaalada London ka furmaya.

Intaas kadib wuxuu madaxweyne Shariif waraaqihii aqoonsiga ka gudoomey safiirka cusub ee ay dowlada Ingiriisku dalka Soomaaliya usoo magacaabatay.

Waana markii ugu horeysey oo mudo 20-sano kadib ah uu magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya soo gaaro xoghaye sare oo ka tirsan dowlada Britain.

 

Horseed Media

Sawirada: RM