Xoghayihii hore ee Mareykanka Henry Kissinger oo geeriyooday

Published: November 30, 2023

Henry Kissinger oo ahaa 100 sano jir ayaa soo ahaa La-taliyihii Amniga iyo Xoghayaha Arrimaha dibada ee Mareykanka sanadihii 70aadkii.

Kissinger oo asal ahaan kasoo jeeda Yahuudii ka qaxday Jarmalka ayaa laf dhabar u ahaa dagaalo badan oo ka dhacay Caalamka.

Wuxuu lasoo shaqeeyey Madaxweynayaashii Mareykanka ee Nixon iyo Ford.

Henry Kissinger ayaa ahaa maskaxdii ka danbeysay dagaalkii Vietnam oo uu jab weyn kasoo gaaray Mareykanka iyo xasuuqii shacabka Vietnam.

Wuxuu ahaa maskaxdii ka danbeysay duqeyntii dalalka Laos iyo Combodia 1969kii, oo lagu xasuuqay 350.000 iyo 600.000 qof.

Sidoo kale xasuuqyadii militariga geysteen ee ka dhacay Argentina, Bangladesh, Chile iyo East Timor ayuu ku lug lahaa Mr.Kissinger.

Ninkan ayaa lagu tilmaamaa mid kamid ah aasaasayaashii siyaasadda dibadda ee Mareykanka ee ku aadan faro-gelinta dalalka kale.

Qaar badan oo kamid ah dadka u dhaq-dhaqaaqa xaquuqul Insaanka ayaa marar badan sheegay in ninkan maxkamadda Danbiyada Dagaal lasoo taago.

Balse Mareykanka ayaa kamid ah wadamada diiday inay saxiixaan heshiiska lagu dhisay Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyadda dagaal ICC (The Hague).

Horseed Media