10 October, 2019
Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya inay is casishay Xaliimo Cabdi Cali oo ahayd xubin…
Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya inay is casishay Xaliimo Cabdi Cali oo ahayd xubin katirsan guddigii loo magacaabay maamul u samaynta deegaanada Galmudug.
Lama shaacin sababta ay isu casishay Xaliimo Cabdi.
Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya ayaa magacawday guddi ka kooban 13 xubnood, kuwaa loo magacaabay maamul u samaynta Galmudug.
Xaliima ayaa ahayd haweenayda kaliya ee ku jirtay guddigaasi.