Xubin katirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada qalabka sida ee ku sugan Dhuusamareeb

Published: October 4, 2022

Xubin katirsanaa Ururka Al-shabaab oo lagu magacaabo Cabdisamad Liibaan oo magaciisa afgarashaduna yahay (Cabdimaalik) ayaa isku soo dhiibey ciidamada qalabka sida ee fadhigoodu yahay magaalada Dhuusamareeb.

Cabdisamad Liibaan Maxamed oo saddex sano ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa u qaabilsanaa keydinta macluumaadka Saldhiga degmada Ceelbuur.

Cabdisamad oo ka hadlay sababta uu isu soo dhiibay ayaa sheegay inuu dhibsaday nolosha adag iyo dhaqamada kooxda Al-Shabaab, kadib mudo uu ku jiray howdka gobolka Galgaduud.

Qaar kamid ah gobolada waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah Ururka Al-shabaab kaas oo ay iska kaashanayaa ciidamada Dowladda iyo dadka deegaanka.

Horseed Media