Xubin muddo ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka

Published: March 29, 2023

Isxaaq Cabdiraxmaan Maxamed oo muddo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Isxaaq ayaa sheegay inuu kasoo qeyb qaatay dagaallo ka dhacay deegaano ka kala tirsan gobollada Bay iyo Hiiraan.

Dhibaatooyin badan ayuu sheegay inuu kala kulmay Al-Shabaab, kuwaas oo ku kalifay inuu ka soo baxo oo dowladda uu isku soo dhiibo.

Sidoo kale waxa uu raggii kala tirsanaa Al-Shabaab ugu baaqay inay dadkooda dib ugu soo noqdaan oo dowladda isku soo dhiibaan.

Horseed Media