Xubno Ka Socda Ururada Bulshada Puntland oo Muqdisho Gaarey

Published: February 4, 2012

Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya waxaa gaarey wafdi ka socda ururada bulshada rayidka ah ee Puntland,wefdigan oo ka kooban 20 xubnood ayaa metelaya dallada ay ku bahoobeen ururada bulshada Puntland ee PUNSAA.

Gudoomiye ku-xigeenka dallada ururada bulshada Puntland ee PUNSAA Cabdifataax Maxamed Sugulle oo isagu wefdigaas horkacaya ayaa Horseed Media uga warbixiyey ujeedada ay xiligan magaalada Muqdisho u tageen.

Wuxuuna sheegay in safarkoodu uu yahay mid ku salaysan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen shir ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed iyo beesha Caalamku ay Muqdisho ku yeelanayaan oo furmi doona 6/2/2012.

Mr Sugulle waxa kale oo uu sheegay in xubnaha shirkaas ka qayb geli doona oo ay tiradoodu 60 tahay ay ka kala yimaadeen Puntland, Somaliland, iyo koonfurta Soomaaliya, isagoo intaas raaciyey in inta ay Muqdisho joogaan sidoo kale ay kulamo la yeelanayaan mas`uuliyiin ka tirsan xafiiska wasaarada arimaha dibadda ee Britain iyo hay`adda Saferworld.

Gudoomiye ku-xigeenka dallada ururada bulshada Puntland ee PUNSAA Cabdifataax Maxamed Sugulle ayaa ugu danbeyntii mar aan wax ka weydiiney ujeedada shirkan loo soo qaban qaabiyey iyo waxyaabaha looga hadli doono sheegay inay ugu muhiimsan yihiin sidii loo horumarin lahaa howlaha ay ururada bulshada ee rayidka ahi qabtaan , caqabadaha hor taagan, iyo sidii ay isula eegi lahaayeen qorshahooda ku aadan sanadka cusub.

Shirkan oo ah mid sanadle ah oo ay sanad walba bilowgiisa isugu yimaadaan urarada bulshada ee Soomaaliya iyo kuwa Caalamiga ah ayaa ah mid inta badan lagu gorfeeyo waxqabadkooda sanadkii tegey, qorshe howleedka sanadka cusub, iyo xal u helidda hadii ay jiraan caqabado ka hor istaaga inay si habsami leh howlahooda u gutaan.

 

Horseed Media