Xubno ka socda ururka ONLF oo Adisababa Gaaray.

Published: August 13, 2018

C/qaadir Xasan Hirmooge Caddaani Afhayeenka ururka ONLF iyo xubno uu hogaaminayo ayaa habeenimadii xalayto gaaray magaalada Adisababa ee xarunta dalka Ethopia, waxaana si wayn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Bole, Cadaani waxa uu sheegay sababta ay halkaan u yimaadeen in ay tahay ajiibista baaqii raisal wasaare Abiy Ahmed, sidoo kale waxa uu xusay in ujeedada safarkooda ay qayb ka tahay sidii wax looga qaban lahaa xaalada ka taagan dhulka soomalida Ethopia.

Bil ka hor baarlamaanka Ethopia ayaa ururka ONLF ka saaray liiska argagixisada taas ayaana horseeday isu soo dhawaanshaha mucaaradka iyo dawlada Ethopia ee uu hogaamiyo raisal wasaare Abiy Ahmed, sidoo kale xubnahaan aya la rajaynayaa in ay tagaan dhulka Dawlad Deegaanka Soomalida Ethopia, ONLF ayaa maalinimadii shalayto ku dhawaaqday xabad joojin rasmi ah.

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *