Xubno katirsan Al-shabaab oo lagu soo bandhigay Magaalada Muqdisho

Published: December 21, 2022
Shares2

Dowladda Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay laba nin oo ay sheegtay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa sheegay in mid ka mida xubnahan lagu soo qabtay hawlgal ay iska kaashadeen shacabka ku dhaqan Degmada Kaaraan iyo ciidamada amniga.

Hawlgalkaas ayuu sheegay in lagu dilay nin kale oo la socday ninkaasi, isaga oo intaasi ku daray in gacanta lagu soo dhigay hubkii ay wateen iyo mooto bajaaj ay doonayeen sida uu sheegay inay weerar ku gaystaan.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in ninka labaad ee la soo bandhigay lagu soo qabtay hawlgal ay xoogaga ammaanka ka sameeyeen Degmada Dayniile.

Afhayeen Doodisho ayaa xusay in ninkani uu qorsheynayay weerar liddi ku ah badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Banaadir, sida uu yiri.

Horseed Media