Xujeyda oo maanta gudanaya rukniga ugu muhimsan Xajka ee Istaaga Carrafo

Published: July 8, 2022

Xujey gaareysa hal milyan oo qof ah ayaa maanta oo Jimce ah taagan buurta iyo banka Carrafo ee magaalada barakaysan Makka, wuquufka ama istaaga Carrafo ayaa ka mid ah arkaanta Xajka kuwa ugu muhimsan waxaana nebigu yiri NNKH “Xajku waa carrafo”, xujeyda ayaa habeenkii xalay ku sugnaa Mina iyaga oo gudanaya maalinta Tarwiyah ee Mina. Xajka ayaa ah tiirka shanaad ee diinta Islaamku ku taagan tahay, waxaana qofka Muslimka ah ee awooda laga doonayaa in uu guto hal mar cimrigiisa.

Tirada Xujeyda ee sanadkan ayaa aad uga badan labadii sano ee la soo dhaafey ee adduunka uu haystey aafadii Korona Fayras, laakiin waxay aad uga yar tahay sanadkii 2019 oo tirada Xujeydu ay gaareysey 2.5 Milyan oo qof.

Dhammaan xujeyda sanadkan loo xushay inay soo gutaan waajibaadka xajka ayaa da’doodu ka yar tahay 65 jir, si buuxda looga talaaley Covid-19.

Istaagida Carrafo kadib marka qoraxdu dhacdo ayaa Xujeydu ka dhaqaaqayaan halkaas waxay sii marayaan Mina iyaga uu tuuranaya Jamaaraadka, kadib waxay xoogaa ku negaan doonaan Muzdalifah, iyaga oo maalinta berri ah ee Sabtida gawracaya Udxiyadoodi, halka Muslimiinta kale ee caalamku ay tukanayaan salaada ciidul udxiga.

Ilaa hadda gudashada waajibaadka Xajka oo bilowdey maalintii Arbacada ayaan wax dhibaato ah ka dhicin.

Amniga Xujeyda ayaa si weyn loo adkeeyey, iyada oo maalmaha ugu dhibka badan ay tahay gudahasha Jamaraadka oo ah maalmha ka danbeeya ciida udxiyada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *