Waxaa la is weydiinayaa xaaladda Bashar Al-Asad iyada oo ay jiraan warar sheegaya in uu ku dhintey burbur diyaaradeed
Fallaagada dalka Suuriya ayaa maanta oo Axad ah sheegtay in ay soo afjareen xukunka Bashaar Al-Asad ee 24-sanno ka talinayey dalkaas, taas oo markii ugu horreysay ay ka shaaciyeen telefiishanka dawladda dalkaas, ka dib markii uu bilaawday duullaan ka yaabiyey dunida oo dhan.
War kasoo baxay kooxda xakunka ka tuurtay Bashar Asad ee Jabhadda Xoreynta Shaam, waxay bayaan ay soo saareen ku sheegeen. “Macangagii Bashar Al Asad waa ka xoreynay waddanka”. Waxay intaasi raaciyeen in uu soo dhamaaday waayo madow isla markaana uu billowday waa cusub. Dadka waddanka ka cararay ayay ugu baaqeen in ay dalka ku soo laabtaan.
Fallaagada ayaa sheegtay in ay sii daayeen maxaabiisti ku xirneyd xabsiyada ugu waaweyn Suuriya. Hoggaanka fallaagadu waxay amar ku bixiyeen in ciidamada hubeysan ee fallaagada aysan soo geli karin magaalada iyo xarumaha dowladda, golaha wasiirada iyo hay’aduha ayey ku baaqeen in ay sidoodi u shaqeyn doonaan, sidoo kale Booliska ayey ugu baaqeen in ay ka hawlgalaan xarumahoodi ilaa Dowlad cusub lagu dhawaaqi doono.
Kumanaan qof oo wata baabuur iyo kuwo lugeynaya ayaa isugu soo baxay fagaaraha weyn ee Dimishiq iyagoo gacan haadinaya oo ku dhawaaqaya “Xornimo” laga soo bilaabo nus qarniga xukunka qoyska Asad.
Ra’iisul Wasaare Mohammad Ghazi al-Jalali ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu taageero sii socoshada dowladnimada uuna diyaar u yahay in uu la shaqeeyo hoggaan kasta oo ay doortaan dadka Suuriya.
Mohammad Ghazi al-Jalali, Ra’iisul Wasaaraha Suuriya, ayaa u sheegay TV-ga Al-Carabiya ee Sacuudiga in aanu garanayn halka uu ku sugan yahay Madaxweyne Bashaar Al-Asad iyo Wasiirka Difaaca.
Sida laga soo xigtay Jalali, wuxuu lumiyay xiriirkii Asad habeenkii Sabtida.
Waxa kale oo uu sheegay in uu la xidhiidhay hoggaamiyaha fallaagada Al-Jolani, iyo in Suuriya ay qabato doorashooyin xor ah oo ay ku dooranayaan hoggaamiyeyaal cusub.
Bashar Assad xagee ku sugan yahay?
Diyaarad ay leedahay Syrian Air ayaa ka duushay garoonka Dimishiq xili lagu soo waramayo in caasimada ay la wareegeen kooxaha mucaaradka, sida lagu sheegay xogta shabakada Flightradar.
Diyaaradda ayaa markii hore u duushay dhanka gobolka xeebta ee dalka Suuriya oo ah meel ay ku xooggan yihiin kooxda Calawiyiinta ee Bashaar Al-Asad, balse markii dambe si lama filaan ah ayay u leexatay, waxayna u duushay jihadii ka soo horjeeday muddo daqiiqado ah, ka hor inta aysan ka bixin khariidadda.
Xog kala duwan oo Suuriyaan ah ayaa sheegaysa in ay jirto suurtogalnimo aad u sareysa oo laga yaabo in Asad uu ku dhintay shil diyaaradeed iyadoo ay ahayd wax la yaab leh sababta diyaaraddu ay U leexatay oo ay ka luntay khariidadda sida lagu sheegay xog laga helay website-ka Flightradar.
Kooxda ugu weyn mucaaradka Suuriya
Kooxda ugu weyn mucaaradka qabsadey Suuriya ee HTS, waxay hore u ahaan jirtay ururka al-Qaacida ee loo yaqaan Jabhadda Nusra ilaa hoggaamiyahooda Abu Mohammed al-Golani, uu xidhiidhka u jaray dhaqdhaqaaqa caalamiga ah ee jihaad doonka 2016.
Golani ma doonayo in uu dib u soo laabto fowdadii ka dhacday Ciraaq oo kale ka dib markii ciidamada Mareykanka uu hogaaminayay ay xukunka ka tuureen Saddam Xuseen 2003.
Dagaalka Sokeeye ee ka socda dalka Suuriya oo qarxay sanadkii 2011-kii ayaa ahaa kacdoon ka dhan ah taliska Asad, waxaana soo jiidatay quwado waaweyn oo dibadda ah, waxaana uu abuuray meel ay maleeshiyaadka Jihaad doonka ah ku maleegaan weeraro ay ka geystaan caalamka, qalalaasaha iyo dagaalada Suuriya ayaa malaayiin qaxooti ah u diray dalalka deriska la ah.