Xukuumada Faransiiska oo dhacday kadib markii ay weysay Codka Kalsoonida

5 December, 2024

Ra’iisul wasaaraha Faransiiska Michel Barnier iyo xukuumadda ayaa lumiyay codka kalsoonida ee baarlamaanka, taasoo scare usii qaadeysa xiisadda siyaasadeed ee dalkaasi.

331 xildhibaan oo ka tirsan aqalka hoose ee baarlamaanka Faransiiska oo ka kooban 577 kursi ayaa Arbacadii u codeeyay in meesha laga saaro dowladda xukuumadda Barnier.

Xisbiyada bidixda iyo kuwa midigta-fog ayaa u midoobey mooshinka kadib markii Barnier uu isticmaalay awoodo gaar ah si uu u meel-mariyo miisaaniyada iyada oo aan loo helin codka baarlamaanka.

Codbixinta kadib, afhayeenka baarlamaanka Yael Braun-Pivet ayaa xaqiijiyay in Barnier uu hadda ku qasban yahay inuu “istiqaaladiisa u gudbiyo” madaxweyne Emmanuel Macron wuxuuna ku dhawaaqay in kalfadhigu xiran yahay.

Waxa la filayey in uu istiqaaladiisa iyo tii xukuumadiisaba u gudbiyo madaxweynaha wakhti yar kadib.

Barnier, ayaa xilka u magacaabay madaxweyne Emmanuel Macron bishii Sebtember kadib doorasho degdeg ah oo dhacday bishii Luulyo taasoo keentay in xisbi xaakimka lumiyo aqlabiyadda baarlamaanka.

Horseed Media