Xukuumada Federaalka oo aan weli qorshe cad u sameyn gurmadka Fatahaada

Published: November 14, 2023

Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo markale kulan deg deg ah ka yeeshay xaalada Fatahaada wabiyada iyo roobabka mahiigaanka ah.

Shirkii Xukuumada oo uu guddoomiyey Madaxweyne Xasan Shiikh ayaan lagu soo bandhigin wax qorshe ah oo loo diyaariyey gurmadka.

Bilihii lasoo dhaafay ayey soo baxeysay digniinta fatahaada wabiyada iyo khasaaraha ka imaan kara roobaba mahiigaanka ah iyo saameynta El-nino.

Hase yeeshee weli ma muuqato gurmad balaaran oo ay xukuumada u fidisay shacabka ku barakacay iyo ku xanibmay fatahaada ee gobalada kala duwan.

Xukuumada ayaa guddi heer Qaran ah u saartay xaaladan. Guddigan oo weli wada kulamo ay la yeelanayaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah.

Horseed Media