Xukuumada Federaalka oo sheegtay inay dhimeyso qiimaha Xajka

Published: August 10, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu soo gunaanadayey hawlaha xajka ee sannadkii tagay, taas oo lagu qiimeynayey qorsheyaasha hirgalay iyo caqabadihii soo food-saaray xujeyda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in sannadkan wax badan laga qabtay hagaajinta hawlaha xajka ee dadka Soomaaliyeed, dowladduna ay daddaal badan ku bixisay sidii ay uga hortagi lahayd dhibaatooyin badan oo soo food saari jiray xujeyda Soomaaliyeed inta aysan ka dhoofin dalka iyo markii ay gaaraan dhulka barakaysan ee Xaramka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in hoos loo dhigay kharashaadkii ku bixi jiray Xaajiga Soomaaliyeed sanadkan in ka badan $700, walina ay Xukuumaddu ku sii dadaaleyso sidii loo sii yarayn lahaa qiimaha, halka guddi loo saaray korjoogteynta adeegyada, Tayada iyo xaaladda nololeed ee Xujeyda Soomaaliyeed ee soo gudanaysa acmaasha barakaysan ee Xajka.

Inkastoo xukuumadu marar badan sheegto inay fududeyn doonto arrimaha xajka, hadana xujayda Soomaaliyeed oo badan ayaa caqabado dhanka deegaanka iyo gaadiidka ah kala kulma xiliga ay tagaan dalka Sacuudiga.

Horseed Media