Xukuumada Jordan oo meesha ka saartay weerarkii shalay inay kooxda Gaar ah ku tilmaanto.

Published: August 13, 2018

Wasaarada arimaha gudaha dalka Jordan ayaa shaacisay in shaqsiyaadkii ka danbeeyay weerarkii axada ay ahaayeen taagerayaal ka tirsanaa dagaal yahanada iskugu magac daray dowlada islaamka ee dalka ciraaq.

Jordan ayaa sheegtay inay suurtagal tahay inay qorshaynayaan weerar hor leh oo ka dhan ah laamaha amaanka iyo shacabka reer Jordan iyagoo aan kala soocayn.

Sameer al-Mobaideen oo ah wasiirka arimaha gudaha ayaa meesha ka saaray in uu koox u nisbeeyo qorshaha weerarkan shalay dhacay balse waxaa uu carabka ku dhuftay in dhamaan dagaal yahanadii ka danbeeyay ay ahaayeen muwaadiniin u dhashay Jordan.

Xubnahaan ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo xiriir la leh dagaal yahano dalka dibadiisa ka jira wasiirka ayaa diiday inuu magacyadooda shaaciyo.

Weerarkii shalay ayaa waxaa sidoo kale lagu dilay afar sarkaal oo ka tirsan xukuumada dalkaasi.

Afhayeenka dowlada Jordan haweeneyda lagu magacaabo Jumana Ghuneimat ayaa maalintii shalay waxay sheegtay in saraakiisha amniga ay soo saareen bambooyin ay kooxdaan doonayeen in ay ku waxyeleyaan dadka rayidka ah o laga helay guryaha ay ka deganayaaen magaalada uu weerarka ka dhacay ee bartamaha Jordan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *