Xukuumada Puntland Oo Ansixisay In Xaafuun La Hoosgeeyo Gobolka Bari

Published: December 17, 2020

Golaha wasiiradda Puntland oo maanta yeeshay shirkoodii khamiislaha ahaa oo uu shir-guddoomiyey madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ansixiyey xeerar iyo habraacyo iyo in degmada Xaafuun la hoosgeeyo gobolka Karkaar,

Kulanka oo uu Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa looga hadlay xaaladda degmooyinka Puntland, Saameynta duufaanta GATI, Ansixinta Xeerka dib-u-eegista Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Hab-raaca samaynta siyaasadaha hay’addaha dowladda.

  • Golaha ayaa ka dooday kadibna ansixiyey soo-jeedinta Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyeynta ee wareejinta degmada Xaafuun, oo lagasoo wareejiyay gobolka Karkaar lana hoosgeeyay gobolka Bari.
  • Golaha Wasiirada ayaa ka dooday oo ugu danbeyna ansixiyey Hab-raaca samaynta siyaasadaha Hay’addaha Dowladda, oo todobaadkii hore ay Madaxtooyadu usoo gudbisay Golaha.
  • Sidoo kale Goluhu wuxuu ansixiyey Xeerka dib-u-eegista Xafiiska Garyaqaanka Guud oo todobaadkii hore Golaha loo qeybiyey, maantana laga dooday.Shirka Golaha Wasiirada waxaa warbixin looga dhegaystay Guddiga loo xil saaray saameynta ka dhalatay duufaanta GATI ee ku dhufatay xeebaha Puntland, Guddiga ayaa Golaha la wadaagay warbixinta khasaaraha ka dhashay duufaanta iyo baahiyaha ka jira deegaanka si gurmad loo gaarsiiyo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *