Xukuumada Rooble Oo $200,000 Ku Bixinaysa Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caabudwaaq – VIDEO

Published: December 16, 2020

Wafdi uu horkacayo Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta gaaray degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa ayaa ku dhawaaqay in xukuumaddiisu $200,000 (Labo boqol oo kun oo Doollar) ku bixineyso dhismaha wajiga labaad ee garoonka diyaaradaha Degmada Caabudwaaq.

Wajigii koowaad ee dhismaha garoonka diyaaradaha Caabudwaaq oo gaaraya 3KM ayey dadka deegaanku hab isxilqaan ah ku dhamaystiraan dhismihiisa, raysal wasaare Rooble ayaana ku amaanay bulshada Caabudwaaq sida ay isugu xilqaameen dhismaha garoonka diyaardaha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay caabudwaaq waxa uu kulamo la qaadan doona Maamulka degmada, saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyaga oo ka wada hadli doono colaad beeleedyo.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Puntland iyadu somaliya ma ah. Xoolah magaca lagu soo qaaday puntland wax kuma laha.

    Waxaa la rabaa in markii wax laga rabo loola dhaqmo in ay somaliya ka mid tahay.

    Wixii ay xaq u leedahayna la duutiyo.