Xukuumada Rooble Oo Ansixisay Miisaaniyadda Dowlada Federaalka Ee 2021

29 October, 2020

Shirka Khamiislaha ee golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu meel-mariyey ku talagalka miisaaniyad sanaddeedka…

Shirka Khamiislaha ee golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu meel-mariyey ku talagalka miisaaniyad sanaddeedka dowladda Federaalka ee 2021 oo ay qeyb ka tahay qarashka doorashada iyo sharci ahaanta dhammaan go’aammadii ay gaareen golihii wasiirrada Xukuumaddii xil-gaarsiinta.

Miisaaniyadda guud ee sanadka 2021 ayaa dhan $671.8 million oo u qeybsan saddex qeybood oo kala ah ,Dakhliga Gudaha 260.1 million iyo Kabka Miisaaniyadda oo noqonaysa 170.9 million, halka ay mashaariicdu yihiin 240.8 million.

Miisaaniyadda ayaa diiradda saareysa fulinta qorshaha qaranka, waxaana loo qoondeeyey dhanka horumarinta qaddar dhan 38 million, lacagtaas ayaa lagu bixin doonaa arrimo la xiriira.

  1. Caafimaadka
  2. Waxbarashada
  3. Ka hortagga fatahaadaha
  4. Cadaaladda iyo garsoorka
  5. Dib u dhiska waddooyinka
  6. Dastuurka

Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoominayey Raysalwasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa la isku raacay sharci ahaanta dhammaan go’aammadii ay gaareen golihii Wasiirrada Xukuumaddii xil gaarsiinta, kuwaas oo isugu jiray xeerar , siyaasado iyo heshiisyadii ay galeen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *