Xukuumada Talyaaniga oo soo saartay sharuuc lagu cadaadinayo Qaxootiga

Published: September 25, 2018

Golaha Wasiirada ee Talyaaniga ayaa Isniintii shalay ansixiyey Sharci cusub oo ku wajahan qaabka loola dhaqmayo dadka qaxootiga ah ee wadankaasi lagu qaabilo.

Midig: Raysalwasaaraha Italy Giuseppe Conte iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Matteo Salvini,

Sharcigan oo loo bixiyey Digkareetada Salvini ayaa loogu magac-daray Wasiirka Arrimaha Gudah ee xukuumada Matteo Salvini oo ah ninka soo diyaariyey sharuucdan cusub. Salvini oo ka tirsan xisbiyada lagu tilmaamo xagjirka fog ee garabka midig & cunsuriyiinta dalkaasi ayaa olole ugu jira sidii loo joojin lahaa dadka soogalootiga ah ee yimaada wadanka Talyaaniga gaar ahaan Qaxootiga ka imaanaya Afrika.

Qodobada ugu muhiimsan ee sharcigan cusub kamid ah ayaa la xariira in awood dheeraad ah loo siiyo dowlada inay xeryaha ku heyn karto dadka qaxootiga ah muddo dheer, in Dowlada ay sharciga kala noqon karto qaxootiga lagu eedeeyo inay danbiyo ka geysteen dalkaasi, in Booliiska uu si fudud u tarxiili karo qaxootiga iyo in lasii adkeeyo sharuudaha uu qofka ku qaadan karo Sharciga ama dhalashada dalkaasi.

Wuxuu sidoo kale sharcigan meesha ka saarayaa sharciga dal-kujoogii arrimaha bini`aadamka ee lasiin jiray dadka buuxin waaya shuruudaha qaxootinimo, kaasi oo qofka siinayey degenaansho labo sano ah. Salvini ayaa raba inuu gebi ahaan la joojiyo bixinta degenaanshahan.

Raysalwasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte oo isaguna difaacay sharcigan ayaa sheegay in sharuucdan cusub aysan ka horimaaneyn sharuucda caalamiga ah iyo kuwa Midowga Yurub ee qaabilsan arrimaha bini`aadamnimada.

Hase yeeshee hay`adaha u dooda xaquuqul insaanka ayaa si weyn u cambaareeyey sharuucdan oo ku tilmaameen mid si gaar ah loogu talo galay in lagu cadaadiyo dadka magan-gelyo doonka ah.

Qoraalka Sharcigan uu ansixiyey Golaha Wasiirada ayaa hada loo gudbinayaa Baarlamaanka dalkaasi si uu u ansixiyo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *