Xukuumada Xil-gaarsiinta Oo Ansixisay Hab-raaca Hoggaanka Hubka Iyo Rasaasta Ciidanka Xoogga Dalka

Published: August 27, 2020

Golaha wasiirrada xukuumadda xil gaarsiinta dalka, ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku meel mariyeen hab-raaca hoggaanka hubka iyo rasaasta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda difaaca Soomaaliya.

Hoggaanka hubka iyo rasaasta ciidanka xoogga dalka, ayaa qeyb ka ah hoggaannada muhiimka u ah shaqooyinka CXD, waxaana habraaca maanta la ansixiyay oo qeyb ka ah qorshaha dib-u-habeynta ciidanka uu sare u qaadayaa hufnaanta iyo horumarinta awoodda ciidanka si ay ugu guuleystaan dadaallada xoreynta guud ahaan dalka iyo nabad dhisidda si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan amni buuxa.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa guddoomiyay shirka golaha oo sidoo kale looga hadlay amniga dalka, xaaladda COVID-19 iyo dayn cafinta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *