Xukuumada Xil-gaarsiinta Oo Ka Shirtay Soo Saarista Shidaalka Soomaaliya

Published: September 5, 2020

Siihayaha xilka raysal wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa shir gudoomiyey shir sare oo looga hadlayey sidii looga faa’ideysan lahaa khayraadka dabiiciga ah ee dalka sida shidaalka.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay sii hayaha wasiirka batroolka iyo macdanta, Cabdirashid Maxamed Axmed, sii hayaha wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, sii hayaha wasiirka cadaaladda, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda qorshaynta, maareeyaha guud ee hay’adda badroolka Soomaaliya Ibraahim Cali Xuseen iyo mas’uuliyiin kale.

Sii hayaha raysal wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay inay xukuumaddu ka shaqaynayso khayraadka dabiiciga ah ee dalka oo laga faa’iidaysto iyo sidii tallaabooyin horey loogu qaadi lahaa arrintan horraanta sanadka 2021-da.

Sharciga Batroolka oo uu horey u saxiixay madaxweyne Farmaajo ayaa waxa ka dhashay muran badan iyadoo ay ka hor-yimaadeen qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka, waxayna uga digeen shirkadaha baara shidaalka in aysan ku kadsoomin sharcigan oo ay sheegeen inuu baalmarsan dastuurka dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *