Xukuumadda Federaalka ah oo baareysa diyaaraddii ku burburtey Berdaale

Published: May 5, 2020

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartey diyaarad nooca xamuulka ah oo ku burburtey meel ku dhaw garoonka diyaarada ee Berdaale gobolka Baay, maalintii Isniinta.

Diyaaradda waxaa la socdey 6 qof oo laba kamid ah ay ahaayeen ajnebi.

Warqad ka soo baxdey Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ayaa lagu sheegay in ay la socdaan xaaladda diyaaradda burburtey, ayna ka tacsiyeynayaan khasaarihii halkaas ka dhacay.

Wasaaradda gaadiidka Duulista Hawada ayaa sheegtey in ay wadaan baaritaan la xiriira sababta diyaaradu u burburtey.

Sidoo kale Wasaaradda waxaa ay sheegtay in diyaaradda ay laheyd Shirkadda African Airways Express,isla markaana Shixnad daawo ah ay u siday degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibbi oo kamid ah masuuliyiinta shirkadda African Express Airways ayaa sheegay in diyaaradda lagu dhuftey gantaal sidaasna u soo dhacdey, ma jirto wax caddeyn ah oo uu soo bandhigay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *