Xukuumadda Somaliland & Xisbiyada mucaaradka oo war ka soo saaray xaaladda Laascaanood

Published: February 11, 2023
Shares22

Xukuumadda Somaliland iyo labada xisbi mucaarad ayaa maanta gaaray heshiis cusub, oo ku saabsan xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool.

Xukuumadda iyo xisbiyada ayaa waxay iskula qaateen in arrinta Laascaanood si nabada lagu dhameeyo, islamarkaana laga fogaado wixii colaadda sii hurinaya.

Sidoo kale waxaa kulanka maanta ay yeesheen mucaaridka iyo xukuumadda is-afgarad looga gaaray khilaafka doorashada, kaasi oo loo xil-saaray saddex xubnood oo xisbi walba laga soo xulay, si loo sii amba-qaado kulan heshiis kama dambeys ah looga gaarayo arrintaan.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo hoggaanka labada xisbi mucaarid ayaa waxa kale oo ay isla qaateen in loo gurmado dadka ka barakacay magaalada Laascaanood, sida ugu dhaqsaha badana kaalmo loo gaarsiiyo.

Xukuumadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruud ah, ayada oo sheegtay in go’aankan ay u qaadatay si waxkasta oo jira xal looga gaaro miiska wada-hadalka.

Xabad joojinta ay xalay ku dhawaaqday Somaliland ayaanan dhaqan-gelin, iyadoo dagaalku maanta ka sii cuslaa maalmihii hore ee la soo dhaafay.

Horseed Media