Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay in Al-Shabaab laga xirnay 250 akoon oo bangi

Published: January 11, 2023

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo la hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaalka dhinaca maaliyadda ah ee ay dowladda Federaalku ku qaadday Al-shabaab.

Ra’isul Wasaahara ayaa sheegay inay Al-shabaab ay ka xireen 250 akoon oo ay ku lahaayeen 4 banki.

Wuxuu intaa ku daray inay sidoo kale xireen 70 number oo lacagaha loogu shubi jiray oo ay ku lahaayeen laba shirkadood.

Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in xogta numberadaas la xiray ay ka heleen shacabka Soomaaliyeed, kadib markii dowladdu ay bishii Oktoober ee sankadii hore sameysay numbarro ay soo wici karaan dadka ay Al-shabaabku soo weydiistaan lacagaha baadda ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in la baarayo lacagaha ku jira akoonada iyo numberada la xiray.

Horseed Media