Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay in ka badan 300 oo Al-shabaab ah in la dilay

Published: January 25, 2023
Shares56

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Daa’uud Aweys oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa shaaciyey in howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha dalka lagu dilay in ka badan 300 oo ka mid ah Al-shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo uu garab taagna Ergayga Midowga Afrika Danjire Souef Mohamed El-Amine ayaa sheegay in tiradaasi Al-shabaab looga dilay howlgalo ka dhacay todobaadkan deegaano ka tirsan maamulada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, islamarkaana ciidanka ay kula wareegeen deegaano cusub.

“Isku geynta tirada Khawaarijta laga dilay howlgaladii dhacay todobadii maalmood ee la soo dhaafay waxay gaareysaa 323 xubnood.Taas waxay muujineysaa in ciidamada dowladda oo kaashanaya shacabka ay horumar weyn ka gaareen dagaalka lagula jiro Khawaarijta” ayuu yiri Waasiir Daa’uud Aweys.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa xusay in howlgalada ay haatan ka bilawdeen deegaanada maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, iyada oo la fulinaayo amarkii madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in si deg deg loo bilaabo wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Shabaab.

Horseed Media