Xulafada Sacuudiga oo ka walaacsan guusha Biden

Published: November 8, 2020

Boqortooyada Sacuudiga ayaa kamid ah wadamada weli aan hambalyada u dirin Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden.

Dowlada Sacuudiga gaar ahaan dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salmaan oo xiriir wanaagsan la lahaa Donald Trump ayaa ka walaacsan balan-qaadkii Joe Biden uu sameeyey xiligii uu ku jiray ololaha Doorashada oo ahayd inuu joojin doono dagaalka ka socda dalka Yemen.

Sacuudiga ayaa taageero dhanka sahanka iyo saadka hubka ka heli jiray xukuumadii Donald Trump oo ku dhiiri-gelisay duulaankii ay ku qaadeen dalka Yemen.

Sacuudiga iyo Imaaraatiga ayaa dhankoodana taageeray qorshihii Trump uu gacanta ku siinayey Xukuumada Israel ee Benjamin Netanyahu ee lagu sheegay “Heshiiskii Qarniga”.

Sacuudiga, Imaaraatiga iyo Israel ayaa kamid ahaa dalalkii ku  taageeray Donald Trump burburintii heshiiskii Beesha Caalamka la gashay Dowlada IRAN oo ay wax ka saxiixday xukuumadii Maraykanka sanadkii 2015, xiligaasi oo uu Joe Biden ahaa Madaxweyne kuxigeen.

Taageerayaasha Maxamed Bin Salmaan u qaabilsan dacaayada twitter ayaa saacadihii lasoo dhaafay faafinayey qoraalo ay ku sheegayaan in Sacuudiga uu yahay Wadan aan siyaasadiisa ku xirneyn shaqsi (Trump), hase yeeshe aamusnaanta Madaxda Sacuudiga ayaa ah mid si weyn loo dareemay.

Waxaa xusid muddan Dowlada Yemen ee caalamka aqoonsan yahay ayaa dhankooda hambalyo u diray Joe Biden, xili Xuuthiyiinta ay soo dhaweeyeen guuldaradii Donald Trump.

Ruushka & China

Sidoo kale dalalka Ruushka iyo Shiinaha ayaa weli ka hadlin natiijada doorashada Maraykanka, kuwaasi oo laftooda aan taageersaneyn qorshaha Joe Biden.

Biden ayaa ku eedeeyey Ruushka farogelintii ay ku hayeen doorashadii Maraykanka ee uu Trump ku guuleystay sanadkii 2016.

Dalka China ayaa kamid ah wadamada uu cambaareeyey Joe Biden intuu ololaha doorashada ku jiray, gaar ahaan gabood-falada xukuumadaasi Shuuciga ah ku heyso Muslimiinta laga tiro badan yahay ee loo yaqaan (Uyghur), ugu yaraan 1 milyan oo muslimiin ah ayaa hada ku xiran xeryaha ay u sameysay dowlada China.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *