Xulka Degmada Caabudwaaq Oo Qaaday Horyaalka Kubadda Cagta Galmudug

Published: June 19, 2023
Shares4

Xulka degmada Caabudwaaq ayaa galabta ku guulaystay koobka degmooyinka dowlad goboleedka Galmudug ee 2023, kadib markii ay rigoorayaal ku garaaceen dhigooda degmada Dhuusmaareeb.

Ciyaartan xiisaha badan ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya, Cali Cabdi Maxamed “Cali Shiine” iyo madax kale oo ka socotay Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya iyo maamulka Galmudug.

Madaxda ayaa hambalyo u diray degmada Caabudwaaq oo ku guulaystay koobka degmooyinka Galnudug ee 2023 iyo guud ahaan degmooyinkii ka qeybgalay tartanka kubbadda cagta degmooyinka.

Horseed Media