Xulka Kubada Cagta Koonfur Galbeed oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Baydhabo

Published: January 14, 2024

Xulka Kubada Cagta Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ee dhowaan isaga Harry tartanka maamul goboleedyada dalka ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo.

Wafdiga xulka Koonfur Galbeed oo uu hogaaminayey Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka diyaardaha Shaati-guduud.

Madaxdii iyo shacabkii soo dhoweeyey Xulka Koonfur Galbeed ayaa si adag u cambaareeyey falkii jirdilka ee loo geystay ciyaartoyda K/Galbeed, taasi oo keentay inay gabi ahaan tartanka ka haraan.

Horseed Media