Xulka kubadda cagta ee Nugaal oo Koobkii qaaday kana guuleystey xulka Karkaar

Published: February 12, 2012

Ciyaar aad u xiisa badan oo in mudo ah la sugayey ayaa galabta ka dhacday garoonka kubadda cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe.

Ciyaartan oo ahayd Final-ka tartanka 6-aad ee kubadda cagta gobolada Puntland waxaa wada yeeshay labada xul ee Nugaal iyo Karkaar oo iyagu wareegga kama danbeysta ah isugu soo haray.

Qaybta 1-aad ee ciyaarta ayaa waxaa 2 gool ku hormaray xulka gobolka Nugaal oo iyagu xamaasad aad u saraysa garoonka kusoo galay islamarkaana goolka 1-aad dhashtay ciyaarta oo socota wax hal daqiiqo ka yar.

Markii laysugu soo noqday qaybta danbe ee ciyaarta ayaa waxaa labo gool la yimid xulka gobolka Karkaar sidaas oo natiijada ciyaartu ay ku noqotay barbar dhac 2-2 ah.

Markii uu wakhtiga ciyaartu dhamaaday ayaa si toos ah waxaa loogu gudbey gool ku laadyada iyada oo aan wakhti dheeri ah lagu darin.

Gool ku laadyadana waxaa ku adkaaday xulka Nugaal oo ay guushu ku raacday 5-4, waana markii ugu horeysey ee xulka gobolka Nugaal uu horyaalka kubadda cagta ee gobolada Puntland noqdo.

Qaabka xulka Nugaal koobka loo gudoonsiiyey, khudbadda madaxweyne ku xigeenka Puntland oo galabta ciyaartaas daawanayey, iyo sawiradaba Horseed Media goor dhow ayey idiin soo gudbin doontaa.

Horseed Media