Xulka Soomaaliya oo ciyaarta finalka ee koobka CECAFA la dheeli doona Koofurta Suudaan

Published: October 15, 2022
Shares534

Xulka kubadda cagta Da’yarta Soomaaliya ayaa cayaarta finalka maanta oo Sabti ah waxa ay isaga hor iman doonaan dhiggooda Koofurta Suudaan.

Labadan xul ayaa u soo baxay koobka Kubadda Cagta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA) kadib markii ay ka soo gudbeen ciyaartii Semi-finalka.

Xulka Soomaaliya ayaa maalintii Arbacada ahayd ciyaatrii semi-finalka ka badiyey dhigooda dalka Uganda oo horyaalka ku guuleysatay sanadkii 2020-kii oo tartankii ugu dambeeyey lagu qabtay Rwanda.

Ra’iisul wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa dhallinyarada metelaysa Xulka Soomaaliya u sheegay in Soomaali oo dhan ay dhinacooda soo eegayaan cayaarta kama dambeysta ah.

Sidoo kale waxa uu u ballanqaaday abaalmarin weyn oo ay ku farxaan haddii ay ku soo guuleystaan iyo haddii aysan koobka soo qaadinba.

Horseed Media