Xunbihii Muranku ka Taagnaa ee Koomishanka Somaliland oo La Dhaariyay

Published: November 25, 2019

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta madaxweyne Muuse Biixi hortiisa ku dhaariyey xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka qaran ee dhawaan la dhisay.

Xubnahan cusub ee komishanka doorashooyinka qaranka oo dhawaan uun uu ansixiyey golaha wakiillada Somaliland, ayaa la mariyey dhaarta Dastuuriga ah, si ay u gudo galaan gudashada shaqooyinka loo igmaday ee bulshadu ka sugayso.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhaarta kaddib xubnaha komishanka cusub dardaaran adag u jeediyey, waxana uu ku adkeeyey inay dhawraan caddaaladda iyo sinnaanta, islamarkaana garsoorkooda bud-dhig uga dhigaan Kitaabka Eebbe ee ay ku dhaarteen maanta.

Xisbiyada mucaraadka ee Somaliland ayaa ka biyo diiday magacaabista xubnaha Cusub ee Koomishanka doorashooyinka qaarkood, sidoo kale xisbiyadu waxay ka hor yimaadeen xil-kordhinta loo sameeyay gollaha wakiilada Somaliland iyo aqalka odoyaasha.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *