Xuska Maalinta Calanka Soomaaliyeed

Published: October 12, 2020

Maanta oo taariikhdu tahay 12-ka Oktoober ayaa ku beegan sannad guuraddii 62aad ee helida Astaanta ama CALANKA Qaranka Soomaaliyeed. Maalintan ayeysan qiimaheeda dad badan oo Soomaali ah aysan la socon, taasi oo ay sabab u tahay sida ay u wiiqantay Wadanimadii Soomaaliyeed.

Calanka Waxaa la sameeyey Taariikhdu markay ahayd 12kii Oktober 1954tii, waxaana sameeyey ilaahay ha u naxriistee marxuum Maxamed Cawaale Libaan.

Alla ha u naxriistee Maxamed Cawaale Libaan oo ahaa nin wadani ah ayaa in badan oo Shacabka Soomaaliyeed ah aysan aqoon magaciisa iyo waliba Muuqaalkiisa, waana ninka Sawirkan ka muuqda.

Marxuumka ayaa markii u sameeyey Calanka wuxuu dood dheer la galay dad badan oo ayagu su’aalo ka weydiiyey astaamaha calanka, waxayna dooda ugu weyn ka imaaneysay dhanka Gumeystayaashii oo ayagu markii hore diiday Calanka Buluuga ah.

Maxamed Cawaale Liibaan illaahay Janadiisa haka waraabiyee wuxuu ahaa nin ay ku weyntahay isla markaana aad u qiimeeya Walaaltinimada ummada Soomaaliyeed ee isku ISIR, AF iyo dhaqanba ah.

Waxayna taasi astaan u tahay Xiddigta cad ee Bartamaha kaga taala calanka Soomaaliyeed oo ka tarjumeysa Jeceelkii uu u qabay Soomaali-weyn oo ay xiligaasi kala qeybsadeen Awoodihii Reer Yurub iyo Itoobiya.

Talyaaniga, Ingiriiska, Faransiiska iyo Itoobiya ayaa dalka Soomaaliya u kala qeybsaday shan qeybood oo kala ahaa:

Koonfurta Soomaaliya oo ah (Gobolada Puntland iyo inta kale ee kamid ah Bartamaha iyo Koonfurta dalka) xiligaasi gacanta ku hayey dalka Talyaaniga.


Waqooyi Galbeed oo uu hada ka dhisan yahay maamulka Somaliland, oo uu gacanta ku hayey Ingiriiska.
Soomaali Galbeed oo hadda Itoobiya ka tirsan tahay gacantana ugu jirta.


Waqooyi bari N.F.D oo hadda ka tirsan Kenya, xiligaasi ganacta ay ugu jirtay dowladda Ingiriiska.
Jabuuti oo xiligaasi gumeysanayey dowladda Faransiiska.


Midabka Calanka

Midibka CADAAN-ka wuxuu ku micneeyey nabadgalyo, BULUUGA-na wuxuu ku tilmaamay Barwaaqadda dalkeena uu leeyahay, BADA, CIRKA(Hawada) iyo DHULKA. Sidoo kale midabka Buluuga ayaa lagu tilmaamaa midabka BIYAHA oo ah Aasaaska Nolosha.

Soo Bandhigidii Calanka

Dr. Cabdulkadir Cali Bolay oo kamid ah dhalintii SYL ee dalka Soomaaliya usoo halgamay oo ka hadlayey Ninkii hindisay astaanta Calanka Soomaaliya ayaa wuxuu yiri:

Markii uu Maxamed Cawaale Liibaan uu u soo bandhigay ururka SYL iyo kuwa mucaaradka ah ba dood dheer ka dib waxaa la isku waafaqay Muxaafid iyo Mucaaridba Calanka uu soo bandhigay Maxamed Cawaale Libaan.

Zaire flag (Belgian Congo)

Hase yeeshee markii loo geeyey maamulkii Talyaaniga ayaa diiday oo ku tilmaamay inuu u egyahay Calanka dalka Zair sidaasi darteed aan la ogoleen calan dal leeyahay in la qaato.

Balse Maxamad Cawaale Liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka (Zaire) xiddigta ku dhextaal waa mid DAHAB / Huruud ah, sidaasi darteed maamulkii waa ogolaaday in la qaato calanka buluug ah xiddigta cad dhexda kaga taala.

Halgan dheer ka dib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad iyo aad u qurux badan , kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himiladda ummadda soomaaliyeed oo ah in la helo soomaali weyn oo mideysan “Pan Somalism”.

Calanka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta 61 sano jirsaday, wuxuu ku yimid halgan adag oo loo soo galay, halgankaasoo ay hogaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL kuwaas ka soo horjeeday ama diidanaa gumeysiga iyo gumeysi kalkaalayaasha.

Taariikh Kooban

Waxaan jeclahay in aan si kooban u xuso halgankii gobonima-doonka Soomaaliyeed iyadoo maanta loo dabaal degayo 61 guuraddii astaanta calanka u ah Qaranimadda shacabka Soomaaliyeed.

Waxaana jeclahay dhallinyaradda qurbaha ku dhallatay iyo kuwa dagaalkii sokeeye ka dib dhashay ee ku nool dalka in ay fahmaan dhibaatadda xanuunka badan loo soo maray xornimadda maanta aynu haysano.

Runtii xornimadaasi kuma aysan imaanin si fudud balse waxaa loo soo maray halgan adag oo dhiig fara badan loo daadiyey, sidaasi darteed waxaa loo baahan yahay in dhallinyaradda maanta joogta in ay ku daydaan doorkii wax ku oolka ahaa ee dhallinyaraddii Soomaaliyeed ka soo qayb qaadatay xornimadda.

Dhallinyaro ka kooban 13, waxaa u suurta gashay markii ugu horeysey taariikhduna ahayd Bishii May 15, 1943-kii in ay abaabulaan urur dhallinyaro gobannimo-doon ah oo la magac-baxay S.Y.C Somali Youth Club oo aan siyaasi ahayn.

Xisbigii S.Y.C. ahaa wuxuu isku beddelay urur weyn oo siyaasi ah lana magac baxay S.Y.L. Somali Youth League, ururkaasi waxaa albaabadda loo furay taariikhdu markii ay ahayd May 15, 1947kii kaasoo go’aansaday halgan siyaasadeed oo gobannimo doon ah, sidii loo gaarsiin lahaa shacabka soomaaliyeed xornimo taam ah.

Waxaa xusid mudan 11.01.1948dii waxay ahayd maalin xamaasad weyn leh taasoo ahayd tii ugu xoog badneyd uguna caansaneyd, sababtoo ah waxaa dhacaayey gudoonkii Aayaha Ummadda Soomaaliyeed, Maanlintaasi oo ay dhaceen dagaalo ba’an oo ay ku dhinteen 52 Talyaani ah iyo kuwa kale.

Maalintaasi waxaa dalka ku sugnaa guddigii ka socday 4ta dowladdood ugu xoog weyn ee adduunka oo ku guuleystay dagaalkii labaad ee Addunka kan koobnaa, dowladda Mareynkanka Mr. Utter, dowladda Ingriiska Mr. Stafford, dowladda Ruushka Mr. Feodorof iyo dowladda Faransiiska Mr. Burin Des Rosier.

Guddigaasi oo ka socday 4tii dowladood waxaa u suurta gashay maalintii ay bishu ahayd 20kii Janaayo 1948 in ay la kulmaan xisbigii SYL iyo xisbigii HYC (Hamar Youth Club) oo ay isku mabada’ahaayeen ururka SYL iyo axsaabtii mucaadka ahayd oo ku bahoobay daladda “umbrella” la magac baxday Patriotic Beneficient. Kuwaasoo ka koobnaa todoba urur oo yar yar .

Guddigii markii ay dhageysteen doodihii faraha badanaa ee halkaasi laga soo jeediyey , waxaa u cadaatay in xisbiga SYL iyo HYC ay haystaan taageeradda shacabka Soomaaliyeed, taasoo ay la yaabeen qabkii iyo hanaankii ay u soo agaasimeen warbixinadaasi oo soo jiidatay guddigaasi, waxayna balan qaadeen in ay u gudbin doonaan Jamaciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa.

Taariikhda markii ay ahayd Oktoober 12.10.1954kii shacabka soomaaliyeed u suurto gashay in ay hanato calanka buluuga ah ee sharafta badan oo aan maanta aanu ku fano. Abwaakii Cabdullahi Qarshe heestiisi calanka oo ah :

  • Qolobaa calankee
    Kuwaa ceynoo,
    Innagaa keenu waa – Cirkoo kale’e
    Ee aan Caadna-laheyn – Ee aan Caashaqee
  • Xiddig Yahee Cadibaa – Naa-Ciidamisee
    Caradaan Kaligaa Aadow Curatee
    Adceeda Sideeda ee CAAN Noqo’ee

Waxaa Tariikhda Calanka iyo SYL soo diyaariyey Dr. Cabdulkadir Cali Bolay oo aan aad ugu mahadnaqeyno wakhtigiisa uu geliyey iyo taariikhda uu noo soo koobay.

Horseed Media waxay shacabka Soomaaliyeed la qeybsanaysaa xusida maalintan qiimahaleh iyo Taariikhdan u baahan in la xuso had iyo goor.

Maqaalkan waxaaqoray Halgame Cabdulqaadir Boolaay, sanadkii 2015, waxaana uu ku soo abxay Horseed Media, dib ayaana mar kale loo daabacay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *