Xuutiyiinta oo soo riday Drone uu lahaa Mareykanka

Published: November 9, 2023

Dowlada Mareykanka ayaa xaqiijisay in lasoo riday mid kamid ah diyaaradahooda Drone-ka nawaaxiga xeebta dalka Yemen.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in Arbacadii shalay ay soo rideen Drone noociisa yahay American MQ-9 oo uu lahaa Mareykanka.

Waxay sheegeen in diyaaradaha Drone-ka Mareykanka ay qeyb ka ahaayeen difaaca Israel.

Mareykanka ayaa horey usoo riday gantaalo Xuutiyiinta ku tuureen dhanka Israel.

Militariga Mareykanka ayaa xaqiijiyey in lasoo riday Drone-ka balse maysan sheegin cida soo riday.

Mareykanka ayaa ku dooday in drone-ka uu marayey hawada iyo dusha sare ee badda caalamiga ah.

Horseed Media