Xuutiyiinta Yemen oo markale Gantaal ku tuuray Israel

Published: November 3, 2023

Xoogaga Xuutiyiinta Shiicada Yemen ayaa sheegtay gantaalada iyo diyaaradaha Drone-ka ee xalay lagu tuuray dhulka Israel heysato.

Xuutiyiinta ayaa sheegay inay sii wadi doonaan hawlgalkooda ka dhanka ah Israel.

Israel ayaa sheegtay inay difaacooda cirka soo rideen dhowr gantaal oo looga soo tuuray dhanka Badda Cas.

Waa markii sadexaad oo ay Xuutiyiinta gantaalo ku tuuraan Israel tan iyo 7dii Oktoober.

Xuutiyiinta ayaa la sheegay inay adeegsadeen gantaalada ridadooda gaari karto illaa 1.500km.

Waxay si gaar ah u bartlimaamsadeen magaalada xeebta saaran ee Eliat ee koonfurta dhulka Israel heysato.

Mareykanka ayaa Barriga dhexe usoo diray in badan oo kamid ah Maraakiibtiisa dagaalka si uu Israel uga difaaco duulaan uga imaan kara xoogaga Iran taageerto ee Lubnaan, Siiriya iyo Yemen.

Dagaalka Gaza ee afartii asbuuc ee lasoo dhaafay socday ayaa laga cabsi qabaa inuu ku faafo gobalka oo dhan.

Horseed Media