Published: November 15, 2023
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqay qorshahooda ku aadan Maraakiibta Israel ee mara Badda Cas iyo Marinka Bab al-Mandeb.

Kooxdan ayaa sheegay inay duqeyn doonaan Maraakiibta u socota Israel.
Xuutiyiinta ayaa bishan dhowr goor gantaalo ku tuuray Israel gaar ahaan magaalo xeebeedka Eilat.

Waxay sidoo kale kooxdan todobaadkii tagay soo rideen mid kamid ah diyaaradaha Drone-ka oo uu lahaa militariga Mareykanka.
Abdulmalik al-Houthi oo kooxdan u hadlay ayaa sheegay inay isha si gaar ah hada ugu hayaan badda cas iyo maraakiibta halkaas mara.
Horseed Media