© 2022 Horseed Media Group

golis telecom

Yaa Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ka hortaagan in laga baxo nidaamka wax-qaybsiga qabiilka?

Puntland (Hooyadii Federaalku) 24 sanadood kadib weli waxay taagantahay hanaankii wax qaybsi ee lagu bilaabay 1998 kaasoo ahaa nidaamka qabiilka ku salaysan iyo kaltanka qori isku dhiibka beelaysan.   

Madaxweyne kasta oo la doortay 24tii sanadood ee ay jirtay Puntland wuxuu balan qaadayay inuu horseedi doono in xukunka iyo dowladnimada la daadajiyo oo shacabka xaqa u leh ka talinta masiirkooda gacanta loo gelin doono awooda wax doorasho.   Nasiib daro, sheekadaasi tii Cumar beenaale ayay noqotay, taasoo shacabkiina dhaxalsiisay inay ka aamin baxaan madaxdooda, heer quus ahna gaadheen, ilayn nimaan quus aqooni naftiisaaba quus ahe.

Hadaba, waxaa iswaydiin mudan waxa hortaagan in laga hayaamo nidaamka qabiilka salaysan ee faashilka ah kaas oo horayna u soo burburiyay qaranimadii Soomaaliyeed, iminkana qarka u saaran inuu burburiyo dowlad-Goboleedka Puntland iyo maamulada kale ee dalka ka jiraba.

Hadaba qormadan waxaan isku dayi doonaa inaan akhristayaasha la wadaagno arimaha aa isleenahay waxay caqabad ku yihiin in nidaamka qabalagi laga guuro.

  1. Hay’adaha iyo kooxaha kale ee ku qaraabta burburka dowladnimo
  2. Dulaalayda siyaasadeed iyo Mulkiilayaasha Dowladeed
  3. Odayada dhaqanka ee ku dhex milmay siyaasadda
  4. Nidaamka qabiilka iyo qaranimada isdiidan

HAY’ADAHA IYO KOOXAHA KALE EE KU QARAABTA BURBURKA DOWLADNIMO:

Wadamada burburka dowliga ah ku yimaado, baahiyaha binu’aadanimo iyo kuwa colaadeedba haleelaan, waxaa jiro hay’ado maxali (gudaha dalka) iyo caalamiba ah oo ku macaasha kuna qaraabta dhibaatada hadba dalkaas iyo ummadaas ku habsata.   Burburkii dowladnimo ee 1991 ka hor Hay’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugnaa waxay ahaayeen kuwo cayiman oo u badan kuwa la macaamilooda wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda.   Ma jirin waaba haday jireene, wax hay’addo binu’aadanimo, cilmi baaris ama horumarineed ee dalka gudihiisa ka jiray oo maamulkiisa ay gacanta ku hayeen hawlwadeeno Soomaaliyeed. 

Hadaba, burburkii dalka ka dhacay wuxuu fursad u noqday Hay’ado badan oo caalami ah kuwaas sidii daadkii ugu soo fatahmay dalka Soomaaliya iyo dalka aan jaarka nahay ee ay shacabkii Soomaaliyeed u qaxeen, hay’adaas oo ujeedo badan ahaa.  Sidoo kale, waxaa samaysmay urruro iyo hay’addo badan oo maxali ah kuwaas oo ay hal-abuurkooda iyo hogaankooduba lahaayeen hawl-wadeeno Soomaaliyeed.  

Sidaa awgeed, inkastoo ay mudan tahay in la qiro wax-qabadkii ururadaas iyo hay’adaasi, sida inay dadkii aafadu ka soo gaadhay dagaaladii sokeeye u gurmadeen, inay buuxsheen doorkii dowladeed sida waxqabadkooda caafimaad, wax-barasho, iyo daryeelka kale ee bulshaba, hadana waxaa mudan in la sheego wax-yeeladooda, sida inay khatar jiritaankooda ku aadan u arkaan in la helo dowlad xoog leh oo gudan karta waajibaadkii saarnaa sida adeegyada bulsho.   

Sidoo kale, hay’adaas qaar ka mid ah ayaa maslaxadahooda ka dhex arka in burburkani sii dabo dheeraado, bulshadu kala irdhaato, qabiilku xoogaysto, dowladnimaduna wiiqmato.   Sidoo kale in aan hanaanka dowliga ah bulshada loo daadajin, balse ku jiro gacanta kooxo kooban oo daaha gadaashiisa ay ka maamulaan dulaalayda siyaasadeed kuwaas oo ay maslaxo wadaaga yihiin, waxna kala tuuran karaan, ayay ka dhex arkaan jiritaankooda.

 DULAALAYDA SIYAASADEED IYO MULKIILAYAASHA DOWLADEED:

Dhibaatooyinka laga dhaxlay burburkii dowladeed waxaa ka mid ah in haldoorkii hanaanka dowladeed wax ka yaqaanay iyo aqoonyahankii dadka indhaha u ahaa ay dalka ka baxeen, naftoodana iyo tan qoyskoodana ula carareen meeshii ay amni iyo nolol ka heli karaan.  Hadaba maqnaanshaha doorkii hogaanka bulshadu wuxuu ummadii dhaxalsiiyay inay ka faa’iidaysteen fursadaasi kuwo aan laaqi u ahayn, u diirnaxay dal iyo dadba, balse sidii bucsharo iyo badeecad lakala iibsanayo u arkay hogaanka dalka.  

Kooxahaas loogu yeero dulaalayda siyaasadeed waxay meherad ka dhigteen, inay iyagoo maqnaanshaha haldoorkii ummada ka faa’iidaysanaya isku dayaan inay soo saaraan hogaan ay gacmahooda ku abuureen, kuwaas oo ay ku adeegan karaan, kana fushan karaan danahooda guracan ee aragtida dhow ku salaysan, taas oo aan ka turjumayn baahida dalka iyo dadka midna.  

Kooxahaasi waxay ku xiran yihiin oo la shaqaystaan dulaalay iyo calooshood u shaqaystayaan caalami ah oo u adeega dano shisheeye oo maslaxado aan danta dalka iyo dadkuba ku jirin ka leh Soomaaliya. 

Walow mararka qaar dadku moodo in dagaal iyo is-afgaran waa ka dhexeeyo hogaanka Federalka iyo kuwa Dowlad-Goboleedyadaba gaar ahaan Puntland, hadana waxaa cajiib ah sida dulaalayda siyaasadeed iyo mulkiilayaasha Dowladeed ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleedba ay u wada qaraabtaan, isaga warqabaan, xiriir hosaad qoto dheerna u leeyihiin, halka ay ruwaayad ma dhamaato ah oo beel iyo khiyaano ku salaysana ay u jilaan ummadda Soomaaliyeed.

Dulaalaydaas iyo hay’adaha ku intifaaca dhibka ummaduba waxay ka midaysanyihiin oo xulafo ku yihiin, in aan laga guurin nidaamka qabiilka ee kala qaybinta iyo isku dirka beel iyo bulsho ku salaysan, loona guurin hanaanka xisbiyada badan iyo doorasho qof iyo codka ku salaysan.  Maxaa yeelay, sida gafanuhuba dhiiga ugu noolyahay ayaa kooxahani dhibka ummadda ay ugu macaashaan, geeri iyo qoor-gooyana waxaa u ah ummad isku baha-bahaysata axsaab iyo aragti wax qabad bulsho, kuwaas oo masiirkooda ka tashada awoodna u yeelasha cida ay dooranayaan ama hogaanka u dhiibanayaan.  

ODAYADA DHAQANKA EE KU DHEX MILMAY SIYAASADA:

Dulaalayda siyaasadeed iyo mulkiilayaasha dowladeed dhibka iyo hagardaamooyinka ay bulshada u gaysteen waxaa ka mid ah, inay hogaankii dhaqanka oo sharaf iyo karaamada badan ay ummaddu u haysay ku dhex mileen siyaasada, qaar ka mid ahna ay ka dhigteen jararjaro ay ku gaaraan ahdaaftooda guracan.  

Sidoo kale, waxay mararka qaar madaxa isku geliyaan beelo walaalo ah, iyagoo adeegsana siyaasada kala qaybi oo xukun, hadalada ay adeegsadaan waxaa ka mid ah: inagaa la inoo dan leeyahay, waxaa isku keen bahaystay reer hebel iyo reer hebel oo raba inay inaga fursadeena ina dhaafsiiyaan, tani hadaynu reer hebel nahay inama qabato, wax isku duuban oo fahmi kara siyaasadda oo la fageli kara wadciga anagaa ka jirna, dhaqaale, xeelad, iyo xulafaba waan haysanaa,  inaga maahee dadka inta kale waa afraad iska ordaya oo aan melena ku tiirsanayn, marka taageerada tolkaan rabnaa. Iwm….

Kooxahaasi, waxay sharaftii iyo karaamadii kaga cayaayeen odayadii dhaqanka, waxay kala qaybiyeen dad walaalo ah oo midaysnaa, waxayna iminkana hadimo ku yihiin rabaana inay isbaaro u dhigtaan in dadku ka hayaamo nidaamka qabiil ee ragaadiyay dal iyo dadba.

Dhaqanka lagu dhex milay siyaasadu maaha keliya inuu dhaawac sharafeed u keenan hogaanka dhaqanka oo keliya, balse wuxuu burbur ku keenay wadajirkii bulsho ee beelaha hogaankaasi dhaqan kulminayay.  Adigoo arkaya beel lahayd hal issim ama hogaamiye oo kadib markay cadaalad daro ay ka tabteen oo ku tuhmeen inuu u xagliyay siyaasi gaar ah, koox ama beel gaar ah oo uu xoogaa san dareertaa ka qaatay, ay ka toloobeen beelo ka mid ah beel-weyntii uu hogaanka u hayay, samaysteena issim iyo oday cusub oo ay yeelatay jufada hoose. 

Qaar ka mid ah ah odayada dhaqanka ee ku dhex milmay siyaasadu waxay u arkaan hadii qabiilka laga guuro oo doorasho qof iyo cod loo hayaamo, inay lumin doonaan doorkoodii anfacii dhaqaale ee meeshaa ka soo geli jirayna joogsanayo, sidaa awgeed, ayaanay ogolayn in nidaamkaan cusubi hana qaado, halka qaar kalena garowsan yihiin in nidaamkaan cusub ee doorasho qof iyo cod iyo xisbiyada badan dawo u noqon doono dhaawicii iyo sumcad xumadii ay odayada dhaqanku kala kulmeen ku dhex milanka siyaayada.

NIDAAMKA QABIILKA IYO QARANIMADA ISDIIDAN:

Tan iyo intii ka danbaysay burburkii dowladnimada Soomaaliyeed waxaa xoogaystay oo booskii qaranimada bedelay qabiil.  Waxaa la oran kara in markii hore duruufihii ka dhashay dagaalada sokeeye ay keeneen ama khasbeen in qofkasta beeshuu ka dhashay iyo deegaankuu asal ahana ka soo jeeday nafta kula cararay si uu uga nabadgalo aafadii dagaalada sookeeye.  Duruufihii kharaaraa ee ummadda Soomaaliyeed  ku habsatay, kala baqa-cararkii iyo kala guurkii ay bulshadu kala hayaantay ayaa sababtay ayaan oran karnaa inay dhashaan maamul-Goboleedyo haybo reer ku salaysan iyo dowlad Federaal ah oo 4.5 ka nidaamka qabiilka ah ku salaysan.

Dadka isku daya inay qiil u doonaan qabiil wax ku qaybsigu waxay isticmaalaan odhaah shirkii Carte la sameeyay taasoo ahayd 4.5 xaq iyo xeer maahee waa xal.   Hadaba waxaa iswaydiin mudan cudurkii Soomaali isku diray oo kala dilay, qaranimadiina burburiyay waa qabiilkee ma noqon karaa xal ama dawo?

Waxaa qabiilka meeshuu ku qurxoonaa iyo miyiguu deganaa ka soo raray oo magaalada iyo maamulka soo dhexgeliyay jabhadihii la dagaalamayay dowladii Maxamed Siyaad, kuwaasoo hubeeyay, dareen qabyaaladeed iyo tolaayeey ku soo kiciyay geeljirihii, kuna guulaystay inay dowladii ridaan. 

Nasiib daro, dhibkay gaysteen maahay oo keliya inay dowladii rideen, balse waxaa jabhadahaas iyo geeljirahay horkacayeen baro kiciyeen dadkii Magaalooyinka deganaa oo xadaarada nololeed, mida ganacsi, mida wada noolaansho iyo mida maamul iyo maaraynba wax ka garanayay, sidaas ayayna ku abuurmeen atoorayaasha baadiyo oo sita jaakadaha birta ka samaysan maantaha dhex boodaya oo qasaya nidaamkii dowladiga ahaa, kuwaasoo caqabad ku ah in nidaamka qabiilka laga guuro oo dowlad wanaag iyo qaranimo loo hayaamo.

Qabiilka waxaa asal u ah dad jifo hoose-wadaaga, kuwaas oo og in jiritaankoodu ku jiro iska dhicinta beelaha kale, aaminsana in waxa ay haystaan aan laga qaadin, ilay nolosha miyigu waa mid “survival” is badbaadin ku dhisane.  

Dhaqanka miyiga ee ku dhisan keligii noolaanshaha, iska caabinta dadka iyo dugaaga, ukala tartanka kaalinka ceelka,  soo dhaca xoolaha ummadda kale, isku dilka dhulka baadka iyo biyaha leh, waa mid aan la sinmi karin, lana falgeli karin xadaarada dhaqanka magaalo ee ku dhisan daris-wanaaga, wada-noolaanshaha, wadajir, maamul wadaaga, iyo kala danbaynta iyo saraynta sharciga.

Sidaa awgeed, waxaad moodaa in Soomaaliya ay ku hardamayaan horjoogayaasha qabiilka oo gacanta loo geliyay masiirkii umadda iyo Shacabkii oo doonaya inay dib u hantaan awoodoodii rabaaniga iyo dastuuriga ahayd iyo inay si xor ah ku doortaan cida hogaanka u qabanaysa.

Markasta oo la isku dayo in nidaamka Qabiilka laga baxo oo loo guuro nidaamka xisbiyada badan iyo doorashada qof iyo cod ah waxaad arkaysaa dad ka hor imanaya oo cilado u yeelaya.  Kooxahaasi maaha kuwo dan caama u doodaya balse waxay ka duulayaan hadafka qabiilka iyo sidee bayshaydu kaalinka ceelka keligeed uga cabtaa, inta kalena caraqda u fuuqfuuq sadaan. 

Aragtidaas guracan ee hoosaysa oo beelaysan waxay ka hor imanaysaa mida guud ee ah sidee dadka oo dhan u noolaadaan, una hormaraan, si jiilasha soo socda loogu horseedo waa cusub oo iftiimaha oo nolol nabad iyo barwaaqo ah leh.

Markasta oo la isku dayo in bulshadu hogaankeeda doorato, lagana guuro nidaamka qabiilka ku salaysan loona guuro nidaam aragtiyaha siyaasadeed iyo ahdaaf horumarineed xambaarsan, beelo gaar ah ayaa uqaata in iyaga duulaan lagu yahay.   Waxaad moodaa in horjoogayaasha beelahaas, gaar ahaan kuwa loogu yeero dulaalayda siyaasadeed ay ku jirto baqdin ku aadan in kaalinkii ceelka ee ay kaligood u barteen in ay cabaan dadka kale wadaanta la darsado, baadkii iyo daaqsintii wacnayd ee ay keligood daaqayeena dadkii kale xoolaha ku soo foofsadaan, dowladii qori isku dhiibka “Taraha”  iyo hagbada beelaysan ku dhisnaydna la wada yeesho loona sinaado hogaanka dalka.

Beelahaasi waxay iska indho tirayaan oo weliba inkirayaan in nidaamka hada jiraa yahay mid cadaalad aan ku salaysnayn, sinaani ay ka dheertahay, dowlad-wanaag uusan ku dheehnayn, kaasoo ku salaysan eex, qabyaalad, kooxaysi, dhiig daadin, danaysi iyo boobka hantida shacabka (oo kii u dhididay inta laga qaado, mid aan qax u lahayni dhaco).  Waxaysan weli garowsan in nidaamkasta oo cadaalad daro ku salaysan oo aysan bulshadu dhamaanteed raali isaga ahayni inuusan mudo sidaa usii dheer sii jiri doonin dumi doonana maray noqotaba.   Waxaysan weli garowsan haduu nidaamkaasi dumo ama wiiqmana kuwa ugu liita oo uu saamaynta ugu weyn ku yeelan doonana ay yihiinka kuwa iminka wax ku haysta.   

Dhinaca kale, kuwaasi waxaysan ogayn hadii nidaamkaas la qurxiyo, hogaanka loo sinmo, bulshadu hogaankeeda doorato, dadkuna aragti iyo mabaadi isku bahaysto, kuwa faa’iidada ugu weyn ka heli doona ay yihiin kuwa hada halka naas ee Maandeeq ka irmaan laga fujin kari la’yahay oo keligood doonaya inay nuugaan.

Isku soo duuboo, ummadda Soomaaliyeed waxay u hamuuman tahay inay hesho maamul wanaag dowladeed iyo midnimo dadeed.   Sidaa awgeed, ceeb ayayka inagu tahay ka ummad ahaan inagoo Qarniga 21aad ku jirna in weli aynu ummadeena ku sii hayno nidaamka qabiil oo caalamku ka guuray beri hore. 

Qabyaaladu waxay ummadda u horseedaa dib u dhac bulsho, mid nololeed iyo mid horumarineedba.   Sidaa awgeed, qof kasta oo Soomaali ah waxaa waajib ku ah inuu taageero hanaanka dowladnimadda gacabta loogu gelinayo cidii lahayd (waa shacabka Soomaaliyeede), waana in si wadajir ah looga hortagaa oo ummadda laga xoreeyaa dulaalayda siyaasadeed ama gafanayaasha ku nool jaqista dhiiga ummadda Soomaaliyeed ee dulman, waa in hogaanka dhaqanka laga dhex saaro siyaasadda, laguna celiyo doorkoodii dhaqan iyo nabadayn, waa in la garowsado in qabiil iyo qarinimo aysan is qaadi karin, sidaa awgeed, hadaan qarinimo rabno ka inaan ka waantowno qabyaalada iyo qabka qabiil ee beelaysan.    

By Farah Aw-Osman
awosman@gmail.com