Yusuf Garad: “…Waxaan diiday inaan dhexgalo Arrimaha Qabiilka, Soomaalinnimadeyda, sumcaddeyda iyo aakhiradeyda dartood…”

Published: January 4, 2018

Wasiirkii Arrimaha Dibada ee xilka laga qaaday Yusuf Garad oo qoraal uga jawaabay xil ka qaadista lagu sameeyey ayaa sheegay in aan lagu soo wargelin xil ka qaadista balse uu ka maqlay qof jooga Maraykanka oo telefoonka kasoo wacay.

Yusuf Garad ayaa soo dhaweeyey xil ka qaadista lagu sameeyey isagoona sheegay in marka warkan loo sheegay uu ku jiray hawshii Qaran ee uu Raysalwasaaraha u diray, iyadoona qoraalkiisa ay ka muuqatay in arrintan ay lama filaan ku ahayd Wasiirka.

Wuxuu u mahadnaqay madax dowlada iyo Baarlamaanka isagoona ku booriyey madaxda dowlada inay salka u dhigaan ama aysan ku fududaan xil ka qaadista wasiirada qaarkood sida Wasiirka Arrimaha dibada oo uu sheegay inuu isagu ahaa kii 10aad oo dalka loo magacaabo muddo sanado ah.

Dhinaca kale Yusuf Garad oo aan ku dheeraan sababaha ka danbeeya xil ka qaadistiisa ayaa si dadban u sheegay inuu jiray khilaaf isaga iyo madaxda dowlada u dhaxeeya, isagoona sheegay in talooyin badan oo uu soo jeediyey laga diiday. Wuxuuna qoraalkiisa ku yiri:

“…Waxaan ku faraxsan ahay in aanan dheg u dhigin madaxda iyo dadka damcay in ay igu qalqaaliyaan in aan ku milmo arrimo aan mar iyo laba keliya hayan oo Dowladda iyo qabiil ka dhexeeyay oo aanan labada dhan midkoodna aanan raalli ka ahayn sida ay wax ku wadaan, aniguna aan Soomaalinnimadeyda, sumcaddeyda iyo aakhiradeyda dartood aan uga dhowrsaday marka laga reebo in aan talo ka bixiyay aan la iga dhegeysan laakiin mararka qaar ay aakhirku dani tiri…”

Xil ka qaadista Wasiir Yusuf Garad ayaa imaaneysa xili ay xiisadi ka dhex taagan tahay siyaasiyiinta mucaaridka oo in badan oo kamid ah kasoo jeedaan beesha Wasiirka iyo Xukuumada Raysalwasaare Xasan Cali Khayre.

Yusuf Garad ayaa horey uga tacsiyeeyay Weerarkii lagu qaaday guriga Siyaasiga mucaaridka ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo lagu dilay shan askari oo kamid ahaa ciidamada militariga kuwaasi oo illaalo ahaan ulla joogay hogaamiyaha xisbiga Wadajir.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Saciid Faarax (Juxa) oo maalmahan safar shaqo ku joogay magaalada BeledXaawo ee gobalka Gedo ayaa kamid ah xubnaha la casilay, waxaana casilaadiisa lagu soo beegay xili lagu wado wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo inay booqdaan gobalada Puntland oo uu kasoo jeedo Wasiirkii arrimaha gudaha & Federaalka ee xilka laga qaaday.

Juxa ayaa lagu waday inuu horkaco wafdi horudhaca ah ee Federaalka oo maanta tagi lahaa Puntland si ay qeyb uga noqdaan qaban qaabada soodhaweynta Madaxweyne Farmaajo ee Puntland ka socota.

Halkan ka akhriso Qoraalka & Jawaabta Yusuf Garad

Maxamed Jeenyo
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *