Yusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo noqonaya guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir

Published: September 7, 2022
Shares104
Yuusuf madaale guddoomkyaha banaadir

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaaliga ah mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa markii labaad u magacaabey Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale in uu noqdo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Sidaan oo kale ayaa Madaxweyne Xassan u magacaabey isla ninkan Yuusuf Madaale bishii nofeembar sanadkii 2015, waxaana uu xilka hayey ilaa dowladdii Farmaajo ee 2017, markaas oo lagu beddalay Taabit Cabdi.

Wareegtada lagu magacaabey Yuusuf Madaale ee ka soo baxday Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in uu ku saleeyey magacaabiddiisa khibradda uu u lee yahay Muqdisho.

Waxaan ku saleeyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan horumarka Gobolka Banaadir.

Xassan Sheekh maxamuud

Yusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ka tirsanaa xisbiga Madaxweyne Xassan Sheekh, waxaana uu ahaan jirey xoghayahii hore ee xisbiga PDP haddana isu beddalay UPD.

Muddooyinkii danbe oo dhan ayaa si weyn loo hadal hayey magacaabidiisa, waxaana uu kamid ahaa ololihii doorashada ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu xilka kala wareegayaa Cumar Filish oo xilka soo hayey tan iyo sanadkii 2019.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *