Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines oo duulimaadyo ka bilaabaysa Muqdisho

ethiopian_airlines_airways_boeing_787-8_dreamliner

Shirkadda Duulimaadyada ee Ethiopia airlines ayaa bilaabi doonta duulimaadyo ay ku tegayso magaalada Muqdisho kadib heshiis kala saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya. Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Siciid Jaamac Qorsheel oo dhowaan booqasho ku tegay dalka Itoobiya kana mid ahaa Wefdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in mustaqbalka dhow rajeynayaan in duulimaadyada bilowdaan. Diyaaradda Ethiopian airlines […]

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti (Sawiro)

IMG_7404

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo booqasho rasmi ah maalintii labaad ku jooga dalka Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyadoo uu kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo waxyaabaha u qorshaysan Xukuumadda Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa […]

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka oo la kulmay Dhiggiisa dalka Iraan (Sawiro)

IMG_2645

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa magaalada Tehran kulan kula qaatay dhigiisa dalka Dr Iiran Ali Larijani ayadoo kulankanna ay labada Gudoomiye kaga wada hadleen iskaashiga iyo wadashaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Iiraan. Kulankan oo ka dhacay xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalkan Iiraan oo ku yaala magaalada Tehran ayaa […]

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka oo gaaray dalka Iraan (Sawiro)

IMG_2591

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xalay soo gaaray magaalada Tehran ee Caasimadda Dalka Iran. Gudoomiyha Baarlamaanka iyo wafdigiisa oo ay ka mid tahay Marwadiisa Marwo Xaawo Ibraahin Aadan ayaa waxa ay kasoo degeen garoonka diyaaradaha magaalada Tehran abaare 3:00AM gelinkii dambe waqtiga Tehran waxaana garoonka […]

Turkiga oo Sheegay in uu dib u bilaabayo Dhaqaalihii uu siin jiray Dowladda Federaalka

getty-3-23-11-Ahmet-Davutoglu.preview

Dowladda Turkiga ayaa ka hadashay war dhowaan soo shaac baxay oo ku saabsan in ay jartay lacagihii tooska ay siin jirtay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya. War qoraal maanta oo axad ah kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu beeniyay in Turkiga uu jaray lacagahaas, waxaana lagu sheegay in dhowaan dib loo bilaabayo bixinta lacagahaas. […]

Madaxweyne Xassan Sheikh oo dib ugu laabtay Muqdisho

IMG_9969

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho kadib markii usoo dhameystay booqasho todobaad ah uu ku joogay Turkiga. Madaxda sar sare ee Dowladda, Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa kusoo dhoweysay garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa saaka si aad ah loo adkeeyay, waxaana ciidan badan lagu […]

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo booqasho dhowr ah maalmood soconaysa ku tegay Jabuuti – Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta soo gaaray magaalada Djibouti iyadoo uu garoonka kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Djibouti Mudane Cabdiqaadir Kaamil, Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Maxamud Cali Yusuf   Booqashadan rasmiga ah oo labo maalmood qaadan doonta ayaa Ra’iiusl Wasaaruhu uu kulamo kula qaadan doonaa madaxda dalka […]

Wefdi ka socda Dowladda Federaalka oo gaaray dalka Iraan (Sawiro)

IMG_0739

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Tehran ee caasimadda wadanka Iiraan halkaasi oo si rasmi ah dhowaan uga bilaaban doono shirweynaha 9aad ee Midowga Baarlamaannada dalalka Islaamka OIC. Wafdiga XIldhibaannada ah waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Tehran kusoo dhaweeyey Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Tehran,Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalkan Iiraan iyo […]

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia (Sawiro)

IMG_7114

Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa galinkii danbe ee maanta kulan dheer la qaatay Wasiirka Arimaha Dibadda Ethiopia Mudane Tedros Adhanom Ghebreyesus iyagoo ka wada hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo kordhinta iskaashiyo kala duwan oo labada dal ay ka yeeshaan arrimaha ay kamid yihiin amniga […]

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Taliyaha Ciidanka xooga dalka Ethiopia (Sawiro)

IMG_6971

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta la kulmay Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Ethiopia General Samora Muhammad Yunis kadibna waxaa uu Ra’iiusl Wasaaruhu booqasho ku tagay Warshadda Weyn ee dalka Ethiopia ee lagu magacaabo Metal and Engineering corporation (METEC). Kulanka uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Taliyaha ciidanka xooga dalka Ethiopia ayay ka wada […]