16 qof oo ku dhintay dooni kula qalibantay xeebaha dalka Jabuuti

Published: April 24, 2024

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay 28 kalena waa lagu la’yahay musiibo dooni siday muhaajiriin oo ku degtay xeebaha dalka Jabuuti, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay Salaasadii.

“Masiibo doon ku dagtay xeebaha Jabuuti oo ay saarnaayeen 77 tahriibayaal ah oo ay ku jiraan caruur,” ayay IOM ku tiri qoraal ay soo dhigtay Twitter.

“Ugu yaraan 28 ayaa la la’yahay, 16 ayaa dhintay,” ayay tiri hay’adda socdaalka, iyadoo raacisay in laanta IOM ee Jabuuti “ay ku taageerayso maamulka dadaalka baadigoobka iyo samatabbixinta dadkaasi.”

Safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Jabuuti, Berhanu Tsegaye, ayaa sheegay in doonida ay la socdeen tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ka yimid Yemen, shilkana uu habeenkii Isniinta ka dhacay meel ka baxsan magaalada Godoria ee waqooyi bari Jabuuti.

Shilkan ayaa dhacay qiyaastii laba toddobaad kadib markii doon kale oo ay la socdeen tahriibayaal Itoobiyaan ah ay ku degtay xeebaha Jabuuti, shilkaasi oo galaaftay nolosha dhawr iyo toban qof.

Horseed Media