16 qof oo ku eedeysan weerarkii Hotel SYL oo la soo qabtey

Published: March 24, 2024

Hay’adaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliyeed ee gacanta ku haya baaritaankii weerarkii koox ka tirsan argagixisada al-Shabaab ay ka geysteen Hotel SYL magaalada Muqdisho taariikhdu markey ahayd 14 Maarso 2024 ayaa soo qabtey 16 eedeysane oo ku lug lahaa weerarkaas.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in ay ku guulaysateen in ay soo qabato Cabdinaasir Daahir Nuur oo ahaa qofkii suurta-galiyay in magaalada ay soo galaan Gawaarida falka argagixiso lagu gaystay weerarka Hotel SYL.

Sidoo kale dadka la qabtay waxaa ka mid ah ilaa iyo 4 qof oo ku eedeysan in ay lahaayeen labada gaari ee kooxda argagiixisada ah u adeegsatay weerarka Hotelka SYL.

Warbixinta hordhaca ah ee a soo saartey Hay’adda Nabadsugidda Qaranka ayaa lagu sheegay in baaris ay ku socoto ilaa 5 qof oo ka tirsan ciidanka ammaanka dowladda kuwaas oo ka shaqaynayay goobaha gawaarida lagu baaro ee malayshyaadka al-Shabaab ay ka soo gudbeen habeenkii weeraku dhacay.

Ugu Danbeyn war saxaafeedka NISA ayaa lagu yiri “Dhammaan Shabakadda argagixisada ah ee la qabtay iyo eedeysaneyaasha kale ee loo haysto kiiskan waxaa loo gudbin laamaha caddaaladda si loogu qaado denbigii ay galeen.

Horseed Media