176 qof oo ku geeriyootay Bariga Congo, kadib markii ay kusoo rogmadeen daadad

Published: May 6, 2023
Shares2

Ugu yaraan 176 qof ayaa geeriyootay, kadib markii uu ku soo rogmaday daad xoogan , oo ka dhashay roob ka da’ay Bariga wadanka Congo.

Dhulka ugu badan ee roobabkaasi ka da’een ayaa  waxa ay ku yaalaan gobolka lagu magacaabo Kivu, sida xaafadaha Bushushu iyo Nyamukubi.

Ilaa iyo hadda waxaa la helay meydadka 227, halka kuwa kale la’ yahay jaan iyo cirib meesha ay dhigeen.

“Xiliga uu dhacayey daadka, dadka, waa ay hurdayeen oo waxa ay ahayd xili habeen ah, xarumihii caafimaadka iyo waxbarashada waa ay bur-bureen oo daadadka ayaa la tagay” ayuu yiri Martin oo ka mid ah mamaulka gobolka Kivu

Horseed Media